
Wasiirada geeriyooday - Wasiirrada Caafimaadka, Tacliinta Sare iyo Waxbarashada
Khamiis, December 03, 2009(HOL): Inta la xaqiijiyay waxaa geeriyootay seddex wasiir oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya, Dhaqtar macallin ka ahaa Jaamacadda Banaadir, labo Wariye oo ka kala tirsan TV-ga Al-Carabiya iyo Idaacadda Shabeelle iyo Arday tiro badan oo maanta diyaar u ahaa in ay qaataan Shahaaddooyin qalin-jebin ah oo ay ka qaadanayeen Jaamacadda Banaadir, gaar ahaan qeybta Caafimaadka.
![]() Wasiirka Isboortiga Saleebaan Colaad Rooble |
Wasiirrada dhintay ayaa waxay ka mid ahaayeen wasiirrada ugu shaqada badan Dowladda Soomaaliya, waxaana tusaale u soo qaadna karnaa in Wasiirrada Waxbarashada qaabilsanaa ay dhawaanahan dibadda u dirayeen Arday ka baxday Dugsiyada sare iyo Jaamacadaha ku yaalla Magaalada Muqdisho. Wasiirradda Caafimaadka iyadana waxaa lagu xusuustaa kaalimo muhiim ah oo ay ka qaadatay dhinaca caafimaadka, halka Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortigana ee dhaawaca ahna uu ilaa waqtiga uu dhaawacmayay uu ku mashquulsanaa dhaqdhaqaaqyo Isboorti oo uu lagu horumarinayo Isboortiga Soomaaliya.
Horay waxaa qarax ismiidaamin ah loogu dilay Wasiirkii Amniga Soomaaliya Cumar Xaashi Aadan, kaasi oo markii qaraxa lala beegsanayay ku howlanaa dhaqdhaqaaqyo dhinaca ammaanka ah.
Wariyayaasha dhintay ayaa waxay kala yihiin Xasan Zubeyr Xaaji Fantastic oo ahaa Cameraman u shaqeynayay TV-ga Al-Carabiya iyo Maxamed Amiin Aadan Cabdulle oo ka mid ahaa Wariyayaasha Idaacadda Shabeelle. Waxaa jira wariyayaal kale oo dhaawac ahaan loo qaaday, kuwaasi oo dhaawacyadooda ay isugu jiraan kuwo fudud iyo kuwo culus.
Goobta uu qaraxa ka dhacay oo ahayd gudaha Hotelka Shaamo ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku sugnaa dadka dhimashada iyo dhaawaca ay soo gaartay, waxaana halkaas ka socotay xaflad qalin-jebin ah oo loo qabtay Arday cilmiga caafimaadka ka soo bartay Jaamacadda Banaadir ee Magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa waxaan ilaa iyo haatan la kala caddeynin wixii uu ka dhashay, waxaana jira warar la isla dhexmarayo oo qaarkood ay sheegayaan in uu fuliyay qof naftiisa huray, halka ay jiraan warar kale oo sheegaya in qaraxa uu ka dhashay waxyaabo qarxa oo la dhigay halka uu qaraxa ka dhacay.
Wixii ku soo kordha faahfaahinta Warkan kala soco halkan haddii Alle idmo
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
