Madaxweynaha Somalia Sheekh Shariif oo shir saxaafadeed kaga hadlay Qaraxii saaka ka dhacay Muqdisho ee lagu dilay wasiirro ka tiran DFKMG ah

Khamiis, December 03, 2009(HOL):Madaxweynaha Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta shir jaraa'id ku qabtay xafiiskiisa Muqdisho ayaa tacsi u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo ehellada dadkii ku dhintay qarax xooggan oo ka dhacay Hotel Shaamo.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in wasiirrada, dhaqaatiirta, suxufiyiinta iyo ardaydii la dilay ay ku dhinteen iyagoo howl qaran ku jira, ayna dishay gacan ka gardaran, isagoo ku eedeeyay inay qaraxan fuliyeen dad aamisan fikrado shisheeye.

"Qaraxan ma ma ahayn kii ugu horreeyay oo ka dhaca dalka, waxaa jiray qaraxyo lagu dilay wasiirro iyo dad bulshada qiimo ugu fadhiyay oo ay soo abaabuleen kooxaha dowladda ka horjeeda" ayuu yiri Madaxweyne Sheekh Shariif.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu sheegay in markii xilkan loo dhiibayay ay ogaayeen inay la kulmi doonaan dhibaatooyin kuwan oo kale ah, ayna xilka u qaadeen inay dadka Somalida badbaadiyaan oo aysan ka leexanayn go'aankaas waligood.

"Dadka Soomaaliyeed waxaa looga baahan yahay inay iska difaacaan cadowga dalka kusoo duulay, si ay uga badbaadaan dilalka noocan oo kale ah" ayuu yiri Sheekh Shariif oo sheegay in unugyo ka tirsan Al-Qaacida ay qaraxaan soo agaasimeen.

Shirka jaraa'id ayaa waxaa Madaxweynaha Somalia garabkiisa fadhiyay Ra'iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali Shamar'arke iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe.

Beesha caalamka ayuu ka dalbaday inay gacan ka siiso dowladdiisa sidii ay uga badbaadin lahayd shacabka Somalia dibaatooyinka lagu hayo, iyadoo lagu soo bandhigay halka uu shirka Jaraa'id Madaxweyne Shariif ku qabtay ruux jarjaran oo lagu sheegay inuu ahaa kii qaraxa ismiidaaminta fuliyay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya