Jaaliyada Soomaaliyeed ee Wadanka Denmark oo lacag deeq ah sooo gaarsiiyay agoonleyda Faadumo Cabdi Geddi

Sabti, January 19, 2008(HOL):  Jaaliyadda SOomaaliyeed Magaalada Århus  ee ah magaala madaxda 2-aad ee Wadanka Denmark ayaa lacag deeq ah oo gaareysa $600 (Lix boqol oo dollar) soo gaariiyay agoonleyda la yiraahdo Faadumo Cabdi Geddi oo ka mid ah qoysaska ku dhibaateysan xeradda Qaxootiga ee Nakivale oo 310 KM ka xigta dhinaca galbeedka Caasimadda wadanka Uganda ee Kampala.

Tillaabadan wanaagsan ee ku dayashada mudan oo ay qaaday Jaaliyadda Århus ayaa ah tii ugu horeysay ee la gaarsiiyo qaar ka mid ah dadka ku dhibaateysan xerada Nakivale, tan iyo markii HOL ay shaaca ka qaaday dhibaatada ba'an ee ka jirta xerada Qaxootiga ee Nakivale ee aan la soo tabin muddo, oo ay ku xareysan yihiin ku dhawaad 4500 oo qof oo Soomali qaxooti ah, waxaana safar dheer xerada ugu baxay koox ka tirsan HOL oo gudanaya howshooda wadaninimo iyo bini'adamnimo oo lacagtaas $600 ah faraha ka saaray Faadumo Cabdi Geddi oo xilligii aan u tageynay fadhisay bannaanka cariishka ay ku leedahay xerada, iyadoo ay ku hareereysanaayeen koox carruur agoon ah oo ay dhashay.

Lacagtan deeqda ah oo Faadumo Cabdi ka soo gaartay Jaaliyadda SOomaalida ee Århus ayaa waxaa gacan ka geysatay soo aruuriskeeda shaqsiyaadka kala ah Sheekh Bakari, Abuukar Jaliil iyo C/maalik Osman oo sheegay in ay ku dadaalayaan sidii ay mar kale gacan ugau geysan lahaayed Jaaliyaddu xal u helista dhibaatada xerada ka taagan.

"Aadiyo aad ayaan ugu mahadcelinayaa walaalahey Jaaliyadda Århus, waan u duceyneynaa sida ay noo soo taakuleeyeen, aniga iyo carruurteyda aad iyo aad ayaan ugufaraxsanahay deeqda lacageed oo na soo gaartay" ayay tiri Faadumo Cabdi Geddi oo ay sheegtay in wax yar ka hor intii aysan deeqdu soo gaarin ka wal-walsaneyd sidii ay ku heli laheyd lacagay ku alxamato gaariga cuuryaaninta (wheelchair) oo ka jabay maadaamaaysan la'aantii socon karin oo lugta bidix ay cuuryaan ka tahay.

Jaaliyadda Århus oo ku dayasho mudan ayaa ugu baaqan Jaaliyadaha kale ee Yurub iyo Americain ay dadkaas caawimaada dhinacooda uga fidiyaan, waxayna sheegeen in dadkaas ay yihiin kuwa dhibkoodu ay markii hore ka qarsooneyd, laakiin ay hadda ogaadeen baahida iyo dhinka heysta walaalaha Nakivale, waxayna leeyihiin "Haddii dhibka iyo baahida markaas taagan indhaha laga qarsado, waxaa suurgo galeysa in xaaladdu sii xumaato oo ay gaarto meel ka sii xun middii hore, sidaas daraadeed aan isku dayno ka warqabka inta dhibaateysan iyo wax u qabashadooda, aanna u gar-garaacno albaabada habooniyo iyo waqtiga haboon intab".

Runtii Xerada Nakivale oo ay dhibaatooyin badani ka jiraan, isla markaana dorraad uu ku geeriyooday wiil dhalin yaro ah, kaddib markii ay iskugu darsameen Cudurka Cagaarshoowga iyo Maleeriyada ayaa waxaa ku nool dad badan oo dhibaatooyin dhinaca nolosha iyo caafimadka ah heystaan, waxaana dadkaas ay walaalahooda kale ee Soomaalideed ka codsanayaan in ay xaaladdoda ka war qabaa, isla markaasnay ay olole xoog leh ugu qaadan sidii ay ku heli lahaayeen nolol sidan ka fiican midda hada ay ku heystaa Nakivale Refugee Settelment.

Haddaba haddii aad dooneysaan Walaalaha Soomaaliyeedoow in aad dadkaas wax alaale iyo wixii aad u awood aad ku caawisaan amase aad warbixin dheeri ah ka dooneysaan kala soo xiriira:-

Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue)
Wakiilka HOL ee Uganda
Mobile +256 775517089
Email:-
[email protected] ama [email protected]