Nin Rayid ah oo xalay lagu dilay Degmada Wadajir iyo Shineemo Degmadaas ku taala oo Bambo gacmeed lagu weeraray

Sabti, January 19, 2008(HOL):  Kooxo hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxay nin ku dileen Deegaanka Mac-macaanka ee Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, iyadoo aan ilaa iyo hataanna la ogeyn sababta ay kooxahaas ninka u dileen.

Goob-jooge ku sugan deegaanka Macmacaanka ee Degmada Wadajir ayaa HOL u sheegay in ninka la dilay uu ahaa nin dhalinyaro ah oo dadka deegaanka ka mid ahaa, isla markaana aysan jirin wax lagu bartilmaameedsan karay.

Habeen hore ayay ahayd markii sidoo kale ay kooxo hubeysan ay isla deegaankaas ku dileen nin kale oo isna dhalinyaro ahaa, waxayna falalkaas dilalka ah ay wel wel ku abuureen dadka ku dhaqan Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Dhanka kalena, Kooxo hubeysan ayaa iyana waxay xalay  Bambo gacmeed ku weerareen Shineemo ku taala Degmada Wadajir, taasi oo xiliga la weerarayay ay ku sugnaayeen dad badan oo daawanayay filim Shineemada ka socday.

Bambada Shineemada lagu tuuray cidna wax kuma noqon, marka laga reebo firir ay gaarsiisay iridka Shineemada laga galo oo markaasi aysan jirin cid u dhaweyd. Shineemada la weeraray oo lagu magacabo Shineemo Muqdisho ayaa waxay ka mid ahayd shineemooyin faro ku tiris ah oo Muqdisho ku soo haray kadib markii Shineemooyinkii kale ay xireen dad lahaa oo la soo gaarsiiyay warqado digniin ah oo loogu sheegayo in ay Shineemooyinka xiraan.

Dhanka kalena, xalay fiidkii hore waxaa magaalada Muqdisho, gaar ahaan Xaafado ka tirsan Degmooyinka Huriwaa iyo Yaaqshiid ka dhacay Dagaal u dhaxeeyay Ciidamo Itoobiyaan ah oo fariisin ku leh Warshaddii baastada iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday, iyadoo dagaalkaasina uu dhacay kadib markii la weeraray Kolonyo Gaadiid ah oo Ciidamada Itoobiya Sahay u siday.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia