Sabti, January 19, 2008(HOL): Doon ay saarnaayeen Soomaali iyo Itoobiyaan Tahriibayaal ah ayaa waxay ku degtay Xeebaha Dalka Yemen, iyadoo ay ku geeriyoodeen inta badan dadkii saarnaa oo u badnaa Itoobiyaan.
Xuseen Xaaji Axmed oo ka tirsan Qunsuliyadda Soomaalida Cadan ee Dalka Yemen ayaa u sheegay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da in doon siday dad gaarayay 120 Ruux oo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jiray ay ku degtay Xeebaha Dalka Yemen, isagoo caddeeyay in 20 ka mid ah dadkaasi oo meydkooda la helay ay 16 ka mid ah ahaayeen Dumar, halka ay badbaadeen dad kale oo tiradooda ay dhan tahay 30 ruux.
Xuseen Xaaji Axmed waxaa uu intaas ku daray in weli la la’ yahay dad dhan 70 ruux, kuwaasi oo loo maleeyay in ay Doonta ku dul fadhido ama uu hirka meelo kale u qaaday.
“Dadka dhintay waxay u badan yihiin Itoobiyaan, Soomaalidana waa ay ku yareyd, waxayna ka soo baxeen sida ay noo sheegeen dadkii badbaaday Deegaanka Shimbiraale oo ka tirsan Gobolka Bari ee Soomaaliya”ayuu yiri Xuseen Xaaji Axmed oo intaas ku sii daray in haatan baadi-goob lagu hayo nolol iyo geeri dadka weli lagu la’ yahay Xeebaha Yemen.
Waa Dadkii ugu badnaa oo ku dhinta Xeebaha Yemen tan iyo markii uu bilowday sanadkan 2008, iyadoo sanadkii hore ee 2007 ay dad badan ku dhinteen Xeebahaas, kuwaasi oo u badnaa Soomaali, Itoobiyaan iyo Afrikaan kale oo dalalkoodii uga soo haajiray in ay helaan nolol u dhaanta tii ay ku noolaayeen markii ay dalalkoodii joogeen.
Xeebaha Yemen ayaa waxaa ku dhinta Dad Tahriibayaal ah oo u badan Soomaali iyo Itoobiyaan, kuwaasi oo si is-miidaamin ah uga raaca Xeebaha Boosaaso Doomo aan tayo wanaagsan lahayd oo ay weliba kaxeeyaan Dad ma-naxayaal ah oo mararka qaarkood tahriibayaasha ka tuura Doomaha iyadoo aan loo dhawaanin Xeebta, tiiyoo ay xusid mudan in dadka Tahriibaya ay ku jiraan Haween aan dabaal aqoonin oo si dhib ah ku gaara Xeebta Yemen ama ku dhinta inta aysan gaarin Xeebta.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia