Nin Dhalinyaro ah oo dhaawac culus gaarsiiyay Guddoomiyaha Degmada Garba-haarey

Sabti, January 19, 2008(HOL):  Nin dhalinyaro ah oo ku hubeysan qori AK 47 ah ayaa maanta wuxuu dhaawac halis ah  gaarsiiyay Guddoomiyaha Degmada Garba-haarey Maxamed C/llaahi Ciiro.

Ninkan dhalinyarada ah ee Guddoomiyaha dhaawacay ayaa la sheegay in uu ka careysnaa is-bedel lagu sameeyay Hogaanka Isboortiga Degmadaas, waxaana la sheegay in intii uusan rasaasta ku furin guddoomiyaha ay murmeen isaga iyo Guddoomiyaha.

Dhowr xabadood ayuu Guddoomiyaha kaga dhuftay qeybta sare ee jirkiisa, waxaana markaasi kadib guddoomiyaha dhaawac ahaan loogu qaaday Degmada Luuq oo ku dhawaad 100km u jirta Degmada Garba-haarey  ee Gobolka Gedo.

Ninka dhalinyarada ah ee dhaawacay Guddoomiyaha oo baxsaday ayaa haatan waxaa baadi-goob ugu jira sidii loo soo qaban lahaa Oday Dhaqameedyo ay isku heyb yihiin, waxaana rajo laga qabaa in gacanta lagu soo dhigo.

Dadka ku dhaqan Degmada Garba-haarey ayaa si weyn uga xumaaday dhaawaca halista ah ee loo geystay Guddoomiyahooda, waxayna codsadeen in la soo qabto ninkii dhaawaca geystay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia