Sabti, January 19, 2008(HOL): Guddoomiyaha Midowga Afrika Alpha Omer Konnare ayaa mar kale ka codsaday Dalalka Midowga Afrika in ay lix bilood oo kale ugu daraan Ciidamada AMISOM ee ka howlgala Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, isagoo dalalkaasna ku dhaliilay in aysan Soomaaliya geynin ciidamadii ay u ballanqaadeen.
Ciidamada Amison ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa horay uga dhamaatay muddo lix bilood ah oo uu Midowga Afrika ugu kordhiyay in ay sii joogaan Soomaaliya, iyadoo mudadaasna ay ku ekeyd maalintii Khamiista ahayd ee aynu ka soo gudubnay.
Alpha Omer Konare sidoo kale wuxuu ku eedeeyay Beesha Caalmka in ay bixin weysay dhaqaalihii ay dalalka Midowga Afrika ciidamadooda ku geyn waayeen Soomaaliya, sidaas darteedna wuxuu UN-ka weydiistay in ay Ciidamo bedela kuwa Midowga Afrika ay Soomaaliya u diraan.
Ciidamada Amisom ee jooga Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho ayaa waxay ka howlgalaan meelo kooban oo ay ka mid yihiin Garoonka iyo Dekedda Muqdisho iyo weliba Isgoyska KM4 oo ay inta badan isticmaalaan mas’uuliyiinta dowladda Federaalka.
Tan iyo markii ay Dalalka Midowga Afrika ay u ballanqaaday Soomaaliya Ciidamo gaaraya 8,000 ayaa ilaa iyo hataan waxaa Soomaaliya Ciidamo u diray dalalka Uganda iyo Burundi, kuwaasi oo marka ciidamadooda la isku daro ay tiradooda noqoneyso 1,800 oo Askari.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Ciidamada Midowga Afrika ee loo codsanayo in ay muddo lix bilood ah sii joogaan Soomaaliya ayaa waxaa ku bilowday weerarro ay ku qaadaan Kooxo ka soo horjeeda joogitaankooda Soomaaliya, iyadoo markii hore ay weerarrada ku koobnaan jireen Fariisimada Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia