Dowladda Soomaaliya oo aqoonsatay Abkhazia iyo Osetia
Madaxweynaha Soomaaliya oo Ruushka Ka codsadey inuu Burcad badeedda kula dagaallamo badda iyo barriga soomaaliya
Jimco, October 03, 2008(HOL): Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadday in ay maanka ku heyso in sida ugu dhaqsiyaha badan leh ay xiriir diblomaasiyadeed ay ula sameyso labada gobole ee dhawaantan ka go’ay Jamhuuriyadda Georgia ee Osetia iyo Abkhazia kuwaasoo uu ruushku u aqoonsaday Jamhuuriyado madax-bannaan kadib dagaalkii uu dhawaan la galay Georgia .
Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya waddanka Ruushka Mr: Max’ed Max’uud Xanduli oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta wakaaladda warraka dalka Ruushka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaarineyso in waqti aad u dhaw ay xiriir dhinaca diplomaasiyadda ah kula yeelato labadaasi gobol ,taasi oo uu micneheedu ka dhigan yahay in soomaaliya ay ka go’an tahay in ay aqoonsato labadaasi jamhuuriyadood ee uu aqoonsigoodu buuqa faraha badani ka taagan yahay.

Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya waddanka Ruushka Maxamed Maxamuud Xanduli.
Mar Safiirka wax laga weydiiyay xilliga ay dowladda Soomaaliya qorsheysay in ay si kama dambeys ah u aqoonsato Osetia iyo Abkhazia ayuu safiirku ku jawaabay in dowladdiisu ay arrintaasi ku dhawaaqi doonto xilli gaaban kadib.
Waxaa lagu wadaa in tallaabadaasi ay si aad ah uga careysiiso dowladda mareykanka iyo kuwa reer galbeedka oo iyagu ka biyo diidsan tallaabada uu mareykanku ku dhaqaaqay ee uu ku aqoonsaday labadaasi jamhuuriyadood ee ay dowladda Georgia iyo inta badan dalalka caalamku aaminsan yihiin in ay wali yihiin labo gobol oo Georgia ka tirsan
Dhinaca kale safiirka soomaaliya u jooga Ruushka Max’ed Max’uud Xanduli waxa uu shirkiisaasi jaraa’id ku sheegay in Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya C.laahi Yuusuf Axmed uu u ogolaaday ciidamada dalka Ruushka in ay burcad badeedda Soomaaliya kula dagaallamaan xeebaha iyo waliba gudaha dalka Soomaaliya
Safiirku waxaa uu intaasi ku daray in doonyaha dagaalka ee Ruushku ay ka guddoomeen madaxweyne Yuusuf ogolaanshihiisaasi ku aaddan in raashanku ay burcad badeedda Soomaaliyeed kula dagaallamaan badda iyo barriga dalka Soomaaliya.
Sido kale Danjiraha Soomaaliya u jooga dalka Ruusha Max’ed Max’uud Xanduli waxa uu xaqiijiyay in dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah kaga codsatay Ruushka inuu la halgamo burcad badeedda Soomaaliya oo uu madaxweynuhu sheegay in ay qal-qal ku hayaan amaanka Soomaaliya.
Danjiruhu waxa uu xusay in Dowladda Ruushku ay tahay saaxiib taariikhi ah oo ay leedahay Soomaaliya isagoo intaasi ku daray in ujeeddada ay dowladda Soomaaliya ka leedahay codsigeedaasi ay u dirtay Ruushku ay tahay in labada dhinacba ay ka faa’iideystaan arrintaasi sababtoo ah waxa uu yiri dowladda ruushku marka ay takhalusto burcad badeedda Somaaliya waxa ay awood u yeelaneysaa in danaheeda dhinaca itaraatiijiyadda ah ku fushato biyaha dalka Soomaaliya.
Dhinaca kale Safiirku waxa uu ku sheegay shirkaasi Jaraa’id ee uu ku qabtay xarunta wakaaladda wararka rasmiga ah ee dalka Ruushka in labada dal ee Ruushka iyo Soomaaliyaba ay qosheynayaan in ay yeeshaan xiriir dhinaca milatariga ah waliba sida ugu dhaqsiyaha badan leh.
Waxa uu xusay in labada wazaarad arrimo dibadeed ee Soomaaliya iyo Raashku ay haatanba wadaan wadahadallo ku aaddan arrintaasi oo ay suurto gal tahay in dowladda Ruushku ay ku guddoonsiiso Soomaaliya taageero dhinaca farsamada ah oo la siinayo ciidamada ilaalada xuduudaha iyo qeybaha kala duwan ee milatariga iyo waliba kuwa nabad sugidda taasoo daba joogta bey yiraahdeen qaraarkii horay uga soo baxay qaramada midoobay
Ugu dambeyntii safiirka Soomaliya ee dalka Ruushku waxa uu qiray in dowladdiisu ay qorsheyneyso in sharikadaha Ruushka ay ka qeyb galiso arrimaha la xiriira baaritaanka ceelasha Yuuraaniyaamta iyo Shidaalka iyo waliba howl galinta gigidda hawada ee loo adeegsado sawaariikhda hawada loo diro.
Safiirku waxa uu sheegay in dalka Soomaaliya uu hodan ku yahay Maaddada loo yaqaanno Yuuraniyaamta ee inta badan loo adeegsado farsameynta Nuclear-ka.
Waxaa warbixintaan magaalada Jabuuit nooga soo diray
Jacfar Kuukaay
E-mail: [email protected]