Jimco, October 03, 2008(HOL): Afhayeen u hadlay dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ayaa wuxuu digniin u diray Hay’adaha Samafalka ee ka howlgala meelaha uu Dhaqdhaqaaqooda gacanta ku hayo.
Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ah Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-shabaab ayaa sheegay in ay Hay’adaha Samafalka u jeedinayaan digniin ah in aysan qaban wax aanan ahayn howsha ay sheegtaan ee ah in ay dadka u samafalayaan.
Abuu Mansoor ayaa sheegay in ay digniintaas soo saareen kadib markii Hay’adaha IMC iyo Care oo ka howlgala deegaanno ka tirsan Gobollada Bay iyo Bakool ay ku heleen iyagoo ku howlan arrimo ka dhan ah samafalka, sidaas darteedna ay kala wareegeen qalab ay Hay’adahaas ku howlgelayeen.
“Hay’adaha kale ee ka howlgala Soomaaliya waxaa uga digeynaa in ay qabtaan waxyaabo ka baxsan howsha samafalka ah ee ay sheegtaan, haddii ay digniintan u hoggaansami waayaan-na tallaabo ayaan ka qaadi doonnaa”ayuu yiri Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.
Ma jiro ilaa iyo haatan wax war ah oo ka soo baxay dhinaca hay’adaha IMC iyo Care oo ku saabsan eedeynta uu Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab u jeediyay ee ah in ay qabanayeen howlo ka baxsan u samafalidda dadka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia