Jimco, October 03, 2008(HOL): Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda joogitaanka Ciidamada Shisheeye ee dalka Soomaaliya iyo siyaasadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa habeenkii xalay ahaa waxay weerar ku qaadeen fariisin ay Ciidamada Amisom, gaar ahaan kuwa ka socda Dowladda Burundi ay ku leeyihiin Xarunta Jaamacaddii Umadda ee Magaalada Muqdisho.
Weerarka lagu qaaday Ciidamada Amisom ee ku jira Xarunta Jaamacaddii Umadda oo ahaa mid xooggan ayaa wuxuu saameyn ku yeeshay dad ku dhaqan Degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenley ee Gobolka Banaadir, halkaasi oo ay ku dhaceen madaafiic ay tuureen Ciidamada Amisom.
Afhayeenka Ciidamada Amisom ee ku sugan Magaalada Muqdisho Major Brigye Bo-huko oo ka hadlay weerarka lagu qaaday Ciidamadooda ayaa wuxuu sheegay in ay kooxo hubeysan weerar ku soo qaadeen, hayeeshee aanu jirin wax khasaare ah oo soo gaaray, isagoo ku faanay in ay iska caabiyeen kooxihii weerarka ku soo qaaday.
Dhanka kalena, Major Brigye Bo-huko waxaa uu sheegay in ay Ciidamadooda fariisimo hor leh ka sameyn doonaan Magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in ay fariisimadaas noqon doonaan kuwo ay ammaanka maagaalada Muqdisho ka sugaan.
Major Brigye Bo-huko oo wax laga weydiiyay in meelaha ay fariisimada ka dhiganayaan uu ku jiro Suuqa Bakaaraha ayaa sheegay in aaney arrintaas waxba ka jirin, wararkaasna ay yihiin kuwo la been abuuray oo aan sax ahayn.
Ciidamada Amisom oo markii hore ka madax-bannaanaa dagaallada ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa haatan waxay dhexda uga jiraan dagaallada ka dhacay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, waxayna dagaalka bilaabeen kadib markii ay kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka ay dhowr jeer weerareen fariisimadooda.
Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia