
Jimco, October 03, 2008(HOL): Urur la magac-baxay Ururka Nabadeynta iyo Horumarinta Koofurta Soomaaliya oo ay aas-aaseen dad Soomaaliyeed oo ku nool Dalka Denmark ayaa wuxuu maanta deeq lacageed gaarsiiyay dad ku dhibaateysan gudaha Soomaaliya, gaar ahaan Gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Hoose.
Deeqdan lacageed oo dhameyd 1,571$ ayaa waxaa loo qeybiyay bukaano ku jira Isbitaalka Marka oo Gobolka Shabeelaha Hoose ah iyo Isbitaalka Banaadir oo Gobolka Banaadir ah iyo weliba Dad ka barakacay Magaalada Muqdisho oo ku nool Deegaanka Km13 oo ku yaala inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye.
Deeqdaas lacageed waxaa qeybisay oo ay mas’uuliyiinta Ururkaas soo wakiisheen Shamso Cabdulle Butugey oo ah Guddoomiyaha Haweenka Ganacsatada Gobolka Banaadir. 
Shamso waxay sheegtay in deeqda uu Ururkaas u soo dhiibay dadka ku dhibaateysan gudaha Soomaaliya ay ahayd mid loo baahnaa, waxayna ugu baaqday Soomaalida dibadaha ku nool in ay ku daydaan walaalahooda Denmark ee ka damqaday dhibaatada heysata dadka Soomaaliyeed ee ku nool Soomaaliya.
“Dadka aan maanta u qeybinay deeqda lacageed ee uu soo dhiibay Ururka Nabadeynta iyo Horumarinta Koofurta Soomaaliya waxaan siinnay dad dhibaatooyin kala duwan qaba oo qaarkood xanuunno la il-daran yihiin, halka kuwo kalena ay nolol xumo ku heyso inta u dhaxeyso Muqdisho iyo Afgooye”ayay tiri Shamso Cabdulle Butugey oo Soomaalida ku dhaqan Dalka Dibaddiisa ugu baaqday in ay dadkaas u soo gurmadaan.
Dadka Deeqdaas loo qeybiyay oo isugu jiray Bukaanno ku jira Isbitaallada Marka iyo Banaadir ee ku kala yaalla Gobollada Shabeelaha Hoose iyo Banaadir iyo Dad ka barakacay Magaalada Muqdisho oo ku nool Deegaanka Km13 ayaa waxay u mahadceliyeen Mas’uuliyiinta Ururkii lacagtaas u soo dhiibay, kuwaasi oo ay Alle uga baryeen in uu bedel kheyr qaba siiyo.





Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia