Booliska Soomaaliyeed oo Ardayda ka baxday Dugsiyada sare u soo bandhigay Deeq Waxbarasho

Jimco, October 03, 2008(HOL): Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in uu fursado waxbarasho oo dibadda ah u hayo Ardayda ka soo baxay Dugsiyada sare.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Taliska Booliska ee magaalada Mudisho ayaa sheegay in ay heleen waxbarasho dibadeed oo la siiyay 20 arday oo ka soo baxay dugsiyada sare.

“Ardaygii doonaya in uu waxbarashadaas ka faa’iideysto ee ka soo baxay dugsiga sare waa nala soo xiriiri karaa, wuxuuna soo qaadanayaa waxbarasho la xiriirta dhinaca sharciga ah oo muddo seddex sano ah”ayuu yiri Jen. Cabdi Qeybdiid oo sheegay in waxbarashada ay tahay mid dibadeed.

Dhanka kalena, Jen. Cabdi Qeybdiid waxa uu ka hadlay Ciidamo ka tirsanaa Taliska Booliska oo lagu soo qabtay falal burcadnimo iyo gacan-ku-dhiiglenimo isugu jiray, wuxuuna  sheegay in ay Ciidamadaas oo gaaraya 15 askari ay ku xiran yihiin Xarunta CID-da.

“Raggaas waxaa lagu soo eedeeyay in ay geysteen falal dhac, boob iyo dil isugu jira, haatanna waxay ku jiraan Xarunta Dembi-baarista ee CID-da, waxaana laga qaadi doonaa tallaabo sharci ah”ayuu yiri Jen. Cabdi Qeybdiid.
 
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo sheegay in ay soo gaartay cabasho ku saabsan in rag ku labisan dharka ay Ciidamada Dowladda ay dhac u geystaan ayaa wuxuu ballanqaaday in ay wax ka qaban doonaan cabashadaas, ayna tallaabo ka qaadi doonaan askarigii falkaas lagu helo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia