Shiikh Xasan Turki oo Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u diyaargaroobaan Dagaal ay la galaan Ciidamo laga soo wado Qaramada Midoobay

Shiikh Xasan C/llaahi Xirsi (Shiikh Xasan Turki)
Axad, May 25, 2008(HOL): Shiikh Xasan C/llaahi Xirsi (Shiikh Xasan Turki) oo ka mid ah Hoggaamiyayaasha sare ee Midowgii Maxkamadaha Islaamka ayaa wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u diyaargaroobaan dagaal ay kala hortagaan Ciidamo ka socda Qaramada Midoobay oo uu sheegay in loo soo wado Soomaaliya.

Shiikh Xasan Turki oo qadka Fooneeyaha (Radio HF) kula hadlayay Warbaahinta Muqdisho  ayaa wuxuu sheegay in Ciidamada Itoobiyaanka ee ku sugan gudaha Soomaaliya ay haatan gabaabsi sii yihiin, waxa u harsan ee Shacabka Soomaaliyeed laga rabana ay tahay in ay la dagaalamaan Ciidamada ay soo waddo Qaramada Midoobay.

“Qaramada Midoobay waxay u adeegtaa Mareykanka, sida cid kasta ogtahayna Mareykanka waa cadawga Islaamka, marka waxaan leeyahay Shacabka Soomaaliyeed la dagaalama cadawga Islaamka iyo cid kasta oo garab siineysa”ayuu yiri Shiikh Xasan Turki.

Mar Shiikh Xasan Turki wax laga weydiiyay sida uu u arkayo dib u heshiisiinta ay qaramada Midoobay waddo ee lagu dhexdhexaadinayo Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka ka soo horjeeda waxaa uu sheegay in aan la joojin xiligii wada hadalka balse la joogo xiligii dalka Soomaaliya laga xoreyn lahaa cadawga, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Sida uu u arkayo in Mareykanka uu isaga doon-doonayo iyo baqdinta uu ka qabo in Mareykanka uu gantaalo ku duqeeyo ayaa la weydiiyay, wuxuuna sheegay Shiikh Xasan Turki in haddiiba Ameerikaan doon-doonayo ay taasi farxad u tahay, wuxuuna caddeeyay in geerida ay xaq tahay, qof kastana uu waqtigiisa dhimanayo.

Ugu dambeyntiina, Shiikh Xasan Turki oo la  weydiiyay halka uu ku sugan yahay ee uu kala hadlayo warbaahinta Muqdisho ayaa wuxuu ku gaabsaday in uu ku sugan yahay Geed Qurac  ah oo ka mid ah Quracyada Soomaaliya ku yaala hoostiisa.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia