Axad, May 25, 2008(HOL): Tahriibayaal Soomaali u badnaa ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen Badda u dhaxeysa Dalalka Liibiya iyo Talyaaniga, kadib markii Doontii ay la socdeen ay Badda ku degtay.
Tahriibayaashan oo tiradooda guud ay gaareysay 50 ruux ayaa 41 ka mid ah waxay ahaayeen Soomaali, halka 9ka kalena ay ahaayeen Itoobiyaan, waxayna geeriyoodeen kadib markii ay biyo ugu soo galeen Doontii ay la socdeen.
Ehelada qaar ka mid ah Dadka geeriyooday oo ku sugan Dalka Talyaaniga ayaa sheegay in ay Dadkaasi geeriyoodeen, isla markaana qaar ka mid ah meydadkooda laga helay Jaziiradda Lampeduza ee Dalka Talyaaniga.
Waxaa jira warar kale oo sheegaya in iyadana la la’ yahay meel ay ku dambeyso Doon kale oo iyadana Tahriibayaal Soomaali ah waday, taasi oo intey luntay uu shidaalkii ka idlaaday.
Wararku waxay intaas ku darayaan in Badda u dhaxeyso Talyaaniga iyo Liibiya ee ay inta badan Dadka Tahriibka ah ka galaan Dalka Talyaaniga ayaa haatan lagu soo waramayaa in ay aad u kacsan tahay, iyadoo Doomaha ay Tahriibayaasha wataan-na ay yihiin kuwo yar yar oo aan iska xajin karin Mowjadaha xooggan.
Ma ahan Tahriibayaashii ugu horeeyay oo Soomaali ah oo ku dhinta Badda Mediterenian-ka ee u dhaxeysa Talyaaniga iyo Liibiya, waxaana horay u jiray kuwo kale oo badan oo tan iyo wixii ka dambeeyay burburkii Dowladdii hore tahriib uga gudbayay Baddaas, iyagoo ku sii jeeda Dalal Yurub oo uu Talyaaniga ugu soo horeeyo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia