Maxkamadaha Islaamka oo sheegay in ay tallaabo ka qaadayaan Kooxo Burcad ah oo Dhac iyo Kufsi ka geystay duleedka Magaalada Jowhar

Axad, May 25, 2008(HOL): Afhayeen u hadlay maxkamadaha Islaamka ayaa shaaca ka qaaday in ay tallaabo ka qaadi doonaan Kooxo Burcad ah oo Dhac iyo Kufsi ka geystay duleedka magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

C/raxiin Ciise Caddow oo ah Afhayeenka Howlgallada Ciidamada Maxkamadaha Islaamka oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa wuxuu sheegay in ay burcaddaas tallaabo ka qaadi doonaan, isagoo weliba sheegay in ay haatanba hayaan qaar ka mid ah magacyada Kooxahaas Burcadda ah.

C/raxiin Ciise Caddow waxaa uu sheegay in marka ay helaan Burcaddaas ay ku fulin doonaan waxa ay shareecada Islaamka ka qabto Burcadnimada, wuxuuna caddeeyay in ay haatanba wadaan howlgallada Burcaddaas tallaabada looga qaadayo.

Afhayeenka Howlgallada Maxkamadaha Islaamka waxaa uu sheegay in ay Magaalada Jowhar kulamo kula qaateen Odayaasha iyo Saraakiisha Ciidamo Madani ah oo Degmada Jowhar loo sameeyay, sidoo kalena ay la kulmeen Guddiga Dhaqaalaha Degmada, iyadoo kulamadaasina ay ahaayeen kuwo ku saabsanaa sugidda ammaanka.

Hadalka uu sii daayay Afhayeenka Howlgallada Maxkamadaha Islaamka ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo habeen hore nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha Jowhar dhibaato loogu geystay Dad safar ah oo ku sii jeeday Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya, iyadoo Dadkaasi oo isugu jiray Rag iyo Dumar loo geystay  Dhaawac, Dhac iyo Kufsi.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia