Axad, May 25, 2008(HOL): Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdalla oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ku eedeysay in uu maamul goboleedka Puntland si gaar ah ugu fududeeyay in uu baaro, isla markaana soo saaro Shidaalka ku jira Deegaannada Puntland.
Xildhibaanadda oo u warameysay Idaacadda Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegtay in uusan madaxweynaha xaq u lahayn in uu Maamulka Puntland si gaar ah ugu fududeeyo baarista iyo soo saarista shidaalka iyo kheyraadka ku jira Deegaannada Puntland.
“Waa sharci darro in uu maamulka Puntland si gaar ah u soo saaro Shidaalka iyo Kheyraadka ku jira Deegaannada Puntland, mana ahan mid uu ogolaansho uga heysto Dowladda Dhexe ee Soomaaliya”ayay tiri Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdalla oo intaas ku dartay in soo saarista kheyraadka dabiiciga ah ee ku jira Dalka Soomaaliya aysan cid gaar ah khuseynin.
Laakin Wasiirka Warfaafinta Puntland C/raxmaan Maxamed Bangax oo isla Idaacadda Horn Afrik u waramay ayaa wuxuu sheegay in maamul goboleedka Puntland uu hoos-tago Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana howsha uu haatan hayo ee soo saarista shidaalka ay tahay howl uu u qabanayo Dowladda dhexe.
“Maamul ahaan waxaan la mid noqoneynaa maamul goboleedyada kale ee dalka sida Banaadir, Jubbaland iyo kuwa kale marka ay timaado wax wada qeybsi, laakin hadda dowladda waxay ku mashquulsan arrimaha nabadgelyada iyo sameynta dastuurka marka ma ahan in aan iska sii fadhinno ee waa in aanu howsha sii wadnaa”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Puntland C/raxmaan Maxamed Bangax.
Hadalka ay sii deysay Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdalla ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan Deegaanno hoos-yimaada Maamula Puntland ay Shirkado Ajnabi ah oo Shidaalka baara ay ka bilaabeen shidaal baaris.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia