Axad, May 25, 2008(HOL): Ciidamada Itoobiya ee jooga Magaalada Beledweyne ayaa markii ugu horeysay bilaabay baaritaano lagu sameynayo gadiidka isaga goosha Magaalada Beledweyne kadib markii Jimcihii aynu soo dhaafnay Ciidamadu gacanta ku dhigeen gaari kuwa rakaabka ah oo waday hub iyo saanad la doonayay in si qarsoodi ah lagu soo galiyo gudaha Magaalada.
Ciidamada Itoobiya ee jooga Buutada lagu magacaabo Liq-liqato ee kala barta Magaalada ayaa siweyn u baaraya gadiidka xamuulka ah ee u gudbaya dhinaca Gobalada dhexe, gaar ahaan kuwa qaada xoolaha Nool oo saakay la arkayo iyagga oo safan Buutada islamarkaana Ciidamadu mid mid u baaryaan.
Intii uu baaritaanku socday ayeey Ciidamada Itoobiyaaku qabteen Qoryo laga iibiyay sida la sheegay gudaha magaalada kuwaa oo loo waday dhinaca Gobalada dhexe inkastoo Ciidamadu aysan ku guuleysan in ay qabtaan ganacsatadii hubkaasi laheyd, iyaga oo dhinaca kale xabsiga dhigay gaari waday hubka.
Dhinaca kale waxaa wali gacanta Ciidamada Itoobiya ku jira C/wali Cilmi Xaanshi oo Jimcihii aynu soo dhaafnay la sheegay in ay Ciidamadu ku qabteen hub ka koobnaa walxaha qaraxa, walow Ehelada C/wali ku tilmaameen warkaa isaga ah mid waba kama jiraan iyaga oo intaa ku daray in arimuhu yihiin kuwo siyaasadeed maadaama uu ka yimid Degmada Buula-burte halkaa oo sida la sheegay uu la joogay Col. Cumar Xaanshi Aadan oo adeer u ah Nin la qabtay.
Sikastaba waxaa socda dadaal la doonayo in lagu sii daayo C/wali Cilmi Xaanshi oo ay wadaan qaar ka mid ah xubnaha Maamulka Gobalka Hiiraan iyo Eheladiisa, laakiin hadana waxaa muuqneysa in ay Ciidamada Itoobiyaaku ku adkeysanayaan in uu yahay qof qal-qal galinaya Nabad-galyada sidaa daraadeed aysan habooneyn in la sii daayo.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Ciidamada Itoobiya ee jooga Magaalada Beledweyne oo baaritaano ku sameynaya Gaadiidka isaga kala goosha gudaha Magaalada
More News
- Shiikh Xasan Turki oo Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u diyaargaroobaan Dagaal ay la galaan Ciidamo laga soo wado Qaramada Midoobay
- Gaadiid iyo Rakaab ah oo muddo badan ku xanibnaa Magaalada Lawyacaddo
- Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo Dowladda Eritrea ugu baaqay in ay ka fiirsato kala qeybinta ay ku heyso Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya
- Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo muddo seddex Saacadood ah Ciidamo Itoobiyaan ah ugu xirnaa Xeradii Asluubta
- Xaaladda Caafimad ee Guddoomiyaha Degmada Guriceel iyo Nabaddoonno shalay lagu dhaawacay Degmada Dhuusa-mareeb oo ka soo reyneysa
- Maxkamadaha Islaamka oo sheegay in ay tallaabo ka qaadayaan Kooxo Burcad ah oo Dhac iyo Kufsi ka geystay duleedka Magaalada Jowhar
- Tahriibayaal Soomaali u badan oo ku dhintay Badda u dhaxeysa Talyaaniga iyo Liibiya
- Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdalla oo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ku eedeysay in uu Maamulka Puntland u fududeeyay in uu baarom, soona saaro Shidaal
- Dad tiradoodu dhan tahay 220 Qof oo Itoobiya ka soo gudbisay Xuduudka u dhaxeeya iyaga iyo Somaliland