Askarta Ilaalada Madaxtooyada Somaliland oo si axmaqnimo ah u garaacay Weriye

Isniin, 23 June 2008 (HOL): Qaar ka tirsan Askarta Ilaalada Madaxtooyada Somaliland ayaa shalay duhurkii siday u garaacayeen dhulka ugu tuuray Wariye Cabdifataax Ismaaciil Mursal oo ka tirsan Wargeyska Ogaal, kaasoo xiligaas oo uu baxayay Madaxweyne Rayaale, halkaas u tagay gudashada waajibaad shaqo oo la xidhiidhay safarka Madaxweynaha.

“Waxaan idiin sheegayaa hadaad tihiin saxaafadda, in aanu jirin wax hadal ah (war ah) oo uu bixinayo Madaxweynuhu, maxaa yeelay safarkani waxa weeye mid deg deg ah oo Madaxweynuhu si lama filaan ah ayuu marti-qaad uga helay dawladda Jabuuti, keliya waxa laydiin ogol yahay inaad sawiro qaadataan oo qofkii u baahani sawir wuu qaadan karaa. waxaana jiri doona Warsaxaafadeed aanu emaila-diina idiinku soo diri doono.” Sidaas waxaa ku wargeliyay wariyayaasha afhayeenka Madaxtooyada Siciid Cadaani Mooge.
Ka hor intii aanu Madaxweynuhu ka bixin Madaxtooyada ee diyaar-garawga amba bixiisu socday, waxaa dhismaha Madaxtooyada hortiisa isa soo dhoobay koox haween oo la horyimi halkaas cabasho la xidhiidha gunooyin ay sheegeen inay wasaarada daakhiligu siin jirtay, balse ay ku doodeen inaan la siin dhawrkii bilood ee ugu danbeeyay. Sidaa aawadeed qaybo ka mid ahaa wariyayaashii Madaxtooyada joogay ayaa dareenkoodu u jeestay haweenkaa cabanayay. Islamarkaana sawiro iyo xog-waraysiyo la xidhiidhay cabashadooda ayay ka qaadeen. Saacadu intaa way Is riixaysay, waxaana la gaadhay xiligii waftiga Madaxweynuhu ka baxayay Madaxtooyada. Mar kale, ayay wariyayaashu u dhaqaaqeen sawir qaadasho waftiga Madaxweynaha.

Ma jirin dhibaato ay wariyayaashu u geysteen ilaalada madaxtooyada, hase ahaatee, sabab la’aan waxay u egtahay inay mar kale soo celiyeen dhaqamadii xumaa ee astaanta u ahaa ilaalada hogaamiyayaasha kali-taliska ah. “Waxay soo tureen wariye ka socday wargeyska Saxansaxo oo aanu isku xignay. Naga daaya markii aan idhina, Mar kaliya ayaa labada indhood waxba ka arki waayay ka dib markii uu Dhirbaaxo xoog leh oo aanan ogayn inay igu soo maqan-tahay uu wajiga igaga dhuftay, mid ka mid ah ilaaladu.” Sidaa waxaa yidhi wariye Cabdifataax.

Xiligaa wariyuhu wuxuu ka qaadayay sawiro waftiga Madaxweynaha oo markaa soo baxayay, laakiin, waxaa ku dhacay waxaanu filayn. Waa dabeecadda Ilaalada Madaxtooyada inay mar kaliya Askartu isugu tagaan qofka, iyagoon eegin ama aan is weydiinin qofku muxuu sameeyay. Tani waa dhaqan jaahilnimo oo aanu lahayn Askariga Anshax ahaan iyo aqoon ahaanba u dhisan ilaalinta xuquuqda dadku. Kani wuxuu garanayaa oo kaliya qofka uu ilaalinayo, xitaa ma garanayo ciqaabta uu ka mudan doono falalka noocan oo kale ah, marka uu caddaalada soo hor-maro. “Annigoo dhirbaaxadii la dawakhay, ayaa waxaa ii xigtay inay wadda jir dhawr Askari laad iyo qori dabadii iigu garaacaan, ilaa aan dhulka ku dhacay.” Ayuu yidhi wariye Cabdi-fataax.

Garaacistaa aan loo miidaan deyin ee Askartu gaysatay, waxaa ka soo gaadhay wariyaha dhaawacyo kala duwan, kuwaasoo ka gaadhay feedhaha, dhabarka, lugaha, balse waxa dhaawaca ugu weyni ka gaadhay gacanta bidix. Dhamaanba qalabkii uu wariyuhu sitay ee ku hawl-galayay oo ka daatay-na waxa bururiyay Askartaa ku tumatay.

Falkaa ay Askarta Ilaalada madaxtooyadu kula kaceen wariyaha waxa ka xumaaday oo ku qayliyay qaar badan oo ka mid ahaa dadkii marayay dariiqa madaxtooyada hor mara wakhtigaa. “Waar ka daaya!!! Maxaa Weriyaha lagu dilayaa. Meesha ma waxa laydiin dhigay inaydun weriyeyaasha aan waxba galabsan cadaalad-darro ku laysaan? Hadday sinaan iyo cadaaladi jirto waa in wax laga qabto oo sharci la mariyo Labadan Askari ee Weriyaha sida arxan darada ah u garaacay.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ahaa dadkii gaadiidka wadada ku marayay oo intuu gaadhigiisii Baarkinka dhigay ka soo dagay.

Haweenkii cabashada la hortaagnaa madaxtooyada ayaa iyana ku qayliyay askartii falkaa samaysay. “Waanu arkaynay oo si bilaa naxariis ah ayaa loo garaacay Weriyaha, dadka xaq-darada lagu laynayaana wax kale maaha ee waa anaa dirays xidhan oo kaa xoog roon.” Sidaa waxa tidhi Hooyo ka mid ahayd haweenkaa cabashada la hortaagnaa Madaxtooyada.

Iyadoo uu falkaa wariyaha lagula kacay uu weli socdo ayaa gaadiidkii Madaxweynaha siday ku soo beegmay oo madaxtooyada ka soo baxay.

Wariyahan Ogaal ka tirsani maaha kii ugu horeeyay ee Ilaalada Madaxtooyadu sidaa ulla dhaqanto, balse waxaa jiray wariyayaal tiro badan oo ka hawl-gala saxaafada madaxa banaan oo sidan oo kale ay ula dhaqmeen. Laakiin, waxa lagu tilmaami karaa falkan shalay Axmaq-nimadii ugu weynayd.

Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland