Isniin, June 23, 2008(HOL): Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee Marka magaceeda la soo gaabiyo loogu yeero UNHCR ayaa waxay dalbatay in si shuruud la'aan loo sii daayo Sarkaal u shaqeynayay oo qaabilsan Xafiiskeeda Muqdisho.
Madaxa Hay'adda UNHCR Antonio Guterres ayaa wuxuu sheegay in af-duubashada Saraakiisha Hay'adaha Samafalka ay uga sii dareyso xaaladda Bani'aadannimo ee ka taagan Dalka Soomaaliya, isla markaana ay adkaaneyso in gargaar Bani'aadannimo la gaarsiiyo Dad gaaraya Hal Milyan oo Qofood oo gudaha Soomaaliya ku barkacay.
"UNHCR waa mid aan cidna u xaglin oo aan wax lug ah ku lahayn siyaasad, isla markaana ay howsheedu tahay in ay diiradda saarto xaaladaha adag ee ay ku jiraan Dadka aan waxba galabsan ee dhibaatadu heyso, Annaga waxaan nahay shacab, ma hubeysnin, waxaan nahay dad bani'aadannimada ka shaqeeya, kuwaasi oo ay ka go'an tahay in ay u qidmeeyaan dadka baahan, sidaas darteed waa wax aan macquul ahayn in la bartilmaameedsado dadkii isku dayayay in ay wax u qabtaan Dadka dhibaateysan"ayuu yiri Antonio Guterres.
Xasan Maxamed Cali oo muddo dheer uga shaqeynayay Hay'adda UNHCR Dalka Soomaaliya ayaa wuxuu yahay Nin ku caan ah u doodista Xuquuqda Aadanaha iyo u samafalidda dadka dhibaateysan, wuxuuna qudhiisa ka mid ahaa dad fara badan oo ka cararay magaalada Muqdisho kadib markii ay dagaallada ka bilowdeen sanadkii hore, waxayna isaga iyo Qoyskiisa ku noolaayeen Deegaanka Ceelasha Biyaha oo habeen hore ay kooxo hubeysan ka qafaasheen.
Dhanka kalena, waxaa cambaareeyay Af-duubka loo geysto shaqaalaha samafalka Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo sheegay in aysan sax ahayn in la af-duubto dadka howlaha samafalka u wada shacabka Soomaaliyeed ee dhibaateysan, wuxuuna ku baaqay in la sii daayo Shaqaalaha Samafalka ee la heysto.
Sidoo kalena, Afhayeenka Dhaqanka ee Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali ayaa wuxuu wax aad looga xumaado ku tilmaamay af-duubka loo geystay Xasan Maxamed Cali, wuxuuna caddeeyay in af-duubka ninkaas uu yahay mid sawir aan wanaagsaneyn u diraya hay'adaha samafalka, isagoo weliba farta ku fiiqay in ay dhici karo in af-duubyada loo geysanayo Shaqaalaha Hay'adaha Samafalka ay keenaan in ay waayaan cid u soo gurmata Dad badan oo ka barakacay Magaalada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia