Hoggaamiye sare oo Ururka Al-Qaacidda ka tirsan oo ugu baaqay Xoogagga dagaalka kala soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo Ciidamada Itoobiya in ay dagaalka sii wadaan

Isniin, June 23, 2008(HOL): Hoggaamiye sare oo ka tirsan Ururka Al-Qaacidda ayaa ugu baaqay Xoogagga Dagaalka kala soo horjeeda CIidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya in ay dagaalka sii wadaan, ilaa ay Ciidamada Itoobiya ka baxaan Soomaaliya, isla markaana Soomaaliya la dhiso Dowlad Islaami ah.

"Ha aqbalina wax aan ka ahayn in Dalka Soomaaliya ay ka hirgasho Dowlad Islaami ah oo madax-bannaan, hana aqoonsanina sharcinimada shuruucda Caalamka"ayuu yiri Abu Yahya Al-Libi.

Hoggaamiyahan oo lagu magacaabo Abu Yahya Al-Libi oo Cajalad Video ah soo dhigay mid ka mid ah Website-yada taageerada Ururka Al-Qaacidda ayaa wuxuu ammaanay Wadaado ka soo horjeestay heshiiskii ay dhawaan Jibouti ku wada saxiixdeen Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta, kaasi oo ay qodobadiisa ka mid ahaayeen in ay Ciidamada Itoobiya SOomaaliya uga baxaan muddo 120 maalmood ah iyo in xabadda la joojiyo.

"Ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya ee SOomaaliya iyo in lagu bedelo Ciidamo ka socda Qaramada Midoobay, Midowga Afrika ama magac kasta oo loo bixiyo Ciidamadaas waxba kama bedeli doonaan xaaladda SOomaaliya"ayuu yiri Abu Yahya Al-Libi.

Heshiiskii ay dhawaan Jibouti ku wada gaareen Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta ayaa waxaa ka soo horjeestay Hoggaamiyayaal ka tirsan Maxkamadihii Islaamka oo kala ah Shiikh Xasan Daahir Aweys, Shiikh Xasan C/llaahi Xirsi (Shiikh Turki) iyo Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde, waxayna sheegeen in uusan heshiiskaas xal u keeni karin Soomaaliya.

ilaa iyo horaantii sanadkii 2007 Xoogagga Muqaawamada waxay maalin kasta ku qaadaan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya Weerarro u qaabeysan sida kuwa Ciraaq ka socda ee u dhaxeeya Xoogag wax iska caabin ah iyo Ciidamada Isbaheystay ee uu Mareykanka hoggaamiyo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia