Isniin, June 23, 2008(HOL): Qoraal ah oo ay si weda jir ah ay u soo saareen Hay'addaha u dooda Xuquuqda Aadanaha iyo kuwa ka shaqeeya Samafalka ayaa siweyn loogu canbaareeyay dilkii maalintii shalay kooxo hubeysan u geysteen Madaxii Xaruta Cilmi Baarista iyo wada tashiga CRD ee Gobalada dhexe Eng. Max'ed Xasan Kulmiye oo maanta lagu aasay duleedka Magaalada Beledweyne.
Qoraalka oo ahaa mid dhinaca kale looga hadlay waxqabadkii Eng. kulmiye ayaa lagu sheegay in ay dileen kooxo dhagar qabayaal ah kana soo horjeeda sida hadalka loo dhigay hormarka bulshada iyo dhaq dhaqaaqyadii Nabadeed ee lagu yaqiinay Alla ha'unaxariisteen
Eng. Kulmiye, waxaana sidoo kale looga codsaday Qoraalka in la qaado talaabo lagu baadi goobayo dadkii ka danbeeyay dilkiisa.
"Ma'aha wax loo dulqaadan karo in kooxo danbiilayaal ah maalin kasta dilaan dadka wax tarka u leh bulshada sida Saraakiisha iyo Aqoonyahanada, sidaa daraadeed waa in loo fiirsadaan dhaq dhaqaaqa kooxahaa oo kale ayaa lagu sheegay Qoraalka la soo saaray oo dhinaca kale bulshada looga codsaday in ay gacan ka geystaan kooxihii ka danbeeyay dilkii loo geystay Eng. Kulmiye.
Dhinaca kale Hay'addaha sida wada jirka ah u soo saaray Qoraalka Canbaareynta ah ayaa sheegay in Alle ha'unaxriisteen Max'ed Xasan Kulmiye in uu shaqsi Nabadeed, Hal-abuur ah, ku shaqeeya Karti iyo hufnaan, islamarkaana qeyb ka qaatay damin colaado ka jiray qeybo badan oo ka mid ah Gobalada dhexe.
Sidoo kale waxaa uu ahaa Eng. Kulmiye shaqsi mar walba ku howlan sidii ay bulshadu u sameysan laheyd nidaam wax bad baadiya, waxaana uu ahaa ayaa la oran karaa Maskaxdii ka danbeeysay dhismaha Ururo dhowr ah oo maanta ka jira qeybo badan oo ka mid ah Gobalka Hiiraan.
Waxaa xusid mudan in uu ahaa shaqsigii ugu horeeyay ee Gobalka Hiiraan ka abaabula Socdaal uu ugu magacdaray (Socdaalkii Nabada) kaasoo isaga iyo Duubabaku ku soo mareen Degmooyinka Gobalku ka kooban yahay " Warye lagu magacaabo Axmed Muuse Mahad (Caato) oo waqtigaa ka mid ah koox Wariyeyaal ah ah oo ku wehliyay Eng. Kulmiye iyo Duubabka dhaqanka Socdaalkooda ayaa sheegay in uu ku xasuusanayo orayaahyadiisii Nabadeed ee ahaa Is Nabad-galiya, Dariska Nabad-galiya, iyo Musaafurka dhaxdiina ah, waxaana uu intaa ku daray Wariye Caato in Kulmiye uu ahaa shaqsi Nadiif ah kana baxay inta samaha jecel.
Eng. Max'ed Xasan Kulmiye Madaxii Xarunta Cilmi Baarista iyo wada tashiga CRD ee Gobalada dhexe waxaa shalay Galinkii danbe meel aan ka fogeyn gurigiisa ku toogtay kooxo hubeysan oo aan la garaneyn, waxaana maata lagu aasay Qabuuraha lagu magacaabo (Kuufaale) ee duleedka Magaalada Beledweyne iyada oo aaskana ay ka soo qeyb-galeen Culumaa'udiin Mas'uuliyiinta hay'addaha Samafalka iyo dad weyne qaarkood u sii lugeeyay halka lagu aasay marxuumka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia