Madaafiic lagu weeraray Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Isniin, June 23, 2008(HOL): Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa lagu weeraray Madaafiic Hoobiyayaal ah, kuwaasi oo ay qaarkood gudaha u galeen Garoonka.

Madaafiicdan oo dhowr ahaa ayaa mid ka mid ah oo ku dhacay Xaafad u dhow Dugsigii Farsamada Gacanta ayaa wuxuu geystay dhimashada hal ruux iyo dhaawaca afar kale oo ay ku jirtay Haweeney Uur leh. Dadkaasi dhaawacmay ayaa dhamaantood waxaa loola cararay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.

Xiliga Madaafiicdan lagu weerarayay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa Garoonka ku sugnaa Diyaarado Rakaab soo dejiyay iyo kuwo qaadayay, kuwaasi oo la xaqiijiyay in aysan wax dhibaato ah ka soo gaarin madaafiicdaas.

Ma ahan markii ugu horeysay oo madaafiic lagu weeraro Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde Magaalada Muqdisho, waxaana jiray dhowr jeer oo hore oo Madaafiic lagu garaacay, inkastoo xiligaas ay garoonka ka duulayeen mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho oo looga reystay garoomo macmal ah oo Muqdisho duleedyadeeda ku yaala ayaa waxaa dib u furay Maxkamadihii Islaamka ee Lixda Bilood ka talinayay Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, halka ay kadibna la wareegtay gacan ku heyntiisa Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ilaa iyo haatan maamusha.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia