Jimco, April 11, 2008(HOL): Dagaal la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa wuxuu maqribnimadii caawa ka dhacay Xaafado ka tirsan Degmada Hodan, gaar ahaan Xaafadaha u dhow Fagaarihii Tareebuunka.
Dagaalka oo dhexmaray Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda ayaa wuxuu geystay dhaawaca dad shan ruux ka badan oo dhamaantood rayid ah, kuwaasi oo ay haleeshay rasaas habow ah oo guryahooda iyo meelo ay ku sugnaayeen ugu tagtay.
Ma jirto ilaa iyo haatan cid ka tirsan dhinacyada uu dagaalka u dhaxeeyo oo ka hadashay dagaalkan iyo khasaaraha uu geystay, inkastoo ay waqti hore tahay in la helo khasaaraha uu dagaalkan geystay sabab la xiriirta iyadoo weli la maqlayo rasaas ay labada dhinac isku ridayaan.
Dagaalkan wuxuu ku soo beegmay iyadoo dhawaanahan ay xaaladda magaalada Muqdisho deganeyd, isla markaana ay kooxaha ka soo horjeeda Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ay dagaallada u wareejiyeen dhinaca gobollo kale oo ka durugsan Gobolka Banaadir.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia