Jimco, April 11, 2008(HOL): Shir guddoonka Golaha Guurtida Somaliland, ayaa ku dhawaaqay in Goluhu muddo sannad ah u kordhiyey Madaxweyne Riyaale inuu xilka sii hayo, taas oo ay ku sababeeyeen in doorashooyinku u qabsoomi kari waayeen sababo nabadgelyo xumo oo dalka ka jirta darteed.
Golaha Guurtidu fadhi uu yeeshay maanta, iyada oo ammaanka aad loo adkeeyey, dadka iyo gaadiidkana laga xidhay gebi ahaanba wadada hormarta aqalka Baarlamaanka. Kulankan maanta oo ay goobjoog ka ahaayeen 65 Mudane, ayaa waxa in Xilka Madaxweynaha loo kordhiyo ogolaaday 61 Mudane, waxa diiday 3 Mudane, guddoomiyuhuna ma codaynin.
Shirguddoonku waxa uu mudanayaasha soo hordhigay warqad Madaxweyne Rayaale u soo qoray Shirguddoonka isla saaka, taas oo uu ugu soo gudbiyey wakhti Komishanka Doorashooyinku u cayimay qabashada Doorashooyinka Deegaanka iyo Madaxtooyada iyo weliba diiwaangelinta Codbixiyayaasha. Waxana uu Madaxweyne Riyaale ugu sheegay Guurtida warqaddaas ugu sheegay wakhtiyada Komishanku u muddeeyey diiwaangelinta iyo doorashooyinka, isaga oo sheegay in diiwaangelinta codbixiyayaasha ay u cayimeen in la dhammaystiro Oktoobar 4, 2008, doorashada Golayaasha Deegaankana la qaban doono 06 Oktoobar, 2008, doorashada Madaxtooyadana loo cayimay 31ka Dec. 2008. Waxana uu u tilmaamay Madaxweynuhu in Guurtidu waafajiso mudda-kordhinta Xeer No. 20/2001, xeerka Doorashada Madaxtooyada iyo Golayaasha Deegaanka iyo xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha. Sidaa darteed, Golaha Guurtidu waxay Madaxweyne Riyaale u kordhiyeen muddo Sannad ah oo ku eg 06 May 2009, iyaga oo doorashada Madaxtooyadana dib u riixey, una cayimay 06 April, 2009.
Go'aankan ay Golaha Guurtidu muddadii ugu kordhiyeen Xukuumadda M/weyne Rayaale, ayaa waxa uu ka hor imanayaa heshiis saddex dhinacle ahaa oo ay xalay (Habeenkii khamiistu soo galaysay) wada jir u gaadheen Saddexda Xisbi Qaran iyo Komishanka Doorashooyinka Somaliland. Kaas oo Doorashada Dawladaha hoose u cayimay inay qabsoomaan 06 Oktoober 2008, halka Doorashada Madaxweynenimo-na uu u cayimay heshiiskaas la gaadhay inay qabsoonto 31 December 2008.
Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee Golaha Guurtida, Siciid Jaamac Cali oo go’aankaas mudda-kordhinta ku dhawaaqay, kadib markii uu muddanayaasha u akhriyey warqadda Madaxweynaha, ayaa ku macneeyey dib u riixista wakhtiga doorashada Madaxtooyada in xeerarka Madaxweynaha u tilmaamay, gaar ahaan, xeerka Doorashada Madaxtooyada iyo Deegaanka uu dhigayo in Lix (6) bilood u dhexeeyo labada doorasho ee Deegaanka iyo Madaxtooyada.
Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee Golaha Guurtida, Siciid Jaamac, waxa uu golaha u sheegay inay u cuskanayaan mudda-kordhintaa qodobka 83aad ee Dastuurka, Farqaddiisa 5aad oo sheegaysa in Golaha Guurtidu u kordhinayo Madaxweynaha muddada xilka haddii doorashooyinku u qabsoomi kari waayaan xaalad dagaal oo dalka ka jirta darteed. Waxana uu sheegay in dalka ay ka jirto nabadgelyadarro, dagaallo iyo duruufo kale.
Dhinaca kale, dadweynaha ku dhaqan Magaalada Hargeysa iyo badi dadka aadka ugu dhuun daloola Siyaasadda, ayaa go'aankan muddo kordhinta ka muujiyay dareen xooggan oo ay kaga soo hor jeedaan. Iyaga oo tallaabadan ay qaadeen Golaha Guurtidu ku tilmaamay mid aan loo baahnayn. "Ma ahayn in muddo-kordhintan la sameeyo, ee waxay ahayd in la raaco sharciga iyo wax heshiis lagu wada yahay" Sidaa waxa nuxurka fikirkoodu ahaa, isla markaana ku tiraabay dadweyne kala duwan oo ku dhaqan Magaalada Hargeysa. Madaxweyne Rayaale ayaa xilka Madaxweynenimo waxay kaga ekayd bishan April ee aynu hadda ku jirno.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland