Jimco, April 11, 2008(HOL): Xoogag ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka ayaa waxay maanta mar kale la wareegeen gacan ku heynta Degmada Buulo Barde ee Gobolka Hiiraan.
Xoogaggan ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka ayaa waxay Dgemada Buulo Barde gaareen kadib markii ay halkaas isaga baxeen Ciidamo Itoobiyaan ah oo dhawaanahan halkaas ku sugnaa, kuwaasi oo la sheegay in ay u baqooleen dhinaca Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Shiikh Cusmaan Xasan oo ka mid ah Saraakiishii horkaceysay Xoogagga Maxkamadaha Islaamka waxaa uu Degmada Buulo-Barde kula hadlay dad isugu soo baxay, wuxuuna u sheegay in ay ugu yimaadeen in ay ka tiraan waxyaabo uu ku abuuray maamulka Gobolka Hiiraan oo ahaa in Degmada looga soo duulay dhinaca Gobolka Galgaduud, “halkan waxaa yimid Nuur Daqle iyo Suudi Gooryaan, marka raggaas ma waxay ka yimaadeen Galgaduud, waxaan idiin sheegeynaa yaanan la idiin hadal xumeynin, waadna noo jeedaan in aysan nala soconin dadka Gobolkaas ka soo jeeda”ayuu yiri Shiikh Cusmaan Xasan oo sida muuqata hadalkiisa uu jawaab u ahaa hadal uu horay u sheegay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), kaasi oo ahaa in Ragga weerarrada ku qaada Degmooyinka Gobolka Hiiraan ay ka yimaadeen Gobolka Galgaduud.
Shiikh Cusmaan Xasan waxaa uu u sheegay Dadka Degmada Buulo Barde in aysan ugu imaanin aarsi iyo wax la mid ah, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in markii ay magaalada ka baxeen dhawaan dad loo tirinayay in ay gacan saar la leeyihiin Maxkamadaha Islaamka si gaar ah loo bartilmaameedsaday, isla markaana laga gubay guryo ay lahaayeen.
Degmada Buulo Barde ee Gobolka Hiiraan ayaa muddooyinkan waxaa kala qabsanayay Ciidamo taabasan Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo garabsanayay Ciidamo Itoobiyaan ah iyo Xoogagga Maxkamadaha Islaamka, iyadoo Dadka Degmadana ay marba dhinac marti u noqonayeen dhinacyada iska soo horjeeda.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia