Jimco, April 11, 2008(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo watay Gaadiid isugu jiray kuwa dagaalka iyo kuwa Ciidamada iyo Saadkooda daabula ayaa maanta waxay gaareen Magaalada Jowhar ee Xarunta u ah Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ciidamo Itoobiyaan ah oo Gaari Ural ah saaran
Ciidamadan oo ka tegay dhinaca Magaalada Muqdisho ayaa waxay wateen ku dhawaad 20 gaari oo Ural-lo ahaa, kadibna waxay u gudbeen dhinaca Garoonka Diyaaradaha Jowhar oo dhowr iyo toban KM u jira magaalada, halkaasi oo aan la ogeyn in ay fariisin ka sameysan doonaan iyo in ay ka sii gudbi doonaan intaba.
Ciidamo kale oo ka soo baxay dhinaca Degmada Buulo Barde ee Gobolka Hiiraan ayaa lagu soo waramayaa in ay iyana ku sii jeedaan dhinaca Degmada Jowhar ee Gobolka Shebeelaha Dhexe, halkaasi oo ay muddooyinkan dambe ku soo xoogeysanayeen Ciidamo ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka.
Degmooyin dhowr oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe oo kala ah Mahadaay, Jowhar iyo Balcad ayaa maalmihii aynu ka soo gudubnay waxay ahaayeen kuwo maamul la’aan ah, kadib markii ay halkaas isaga baxeen Mas’uuliyiintii ka talineysay oo uu soo gaaray war ku saabsan in ay weerar ku soo yihiin Ciidamo ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka.
Dhanka kalena, Ciidamo Itoobiyaan ah oo watay ku dhawaad 10 Gaari oo Ural ah, isla markaana ka soo tallaabay xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxay maanta gaareen Degmooyinka Cabuud-Waad iyo Cadaado ee Gobolka Galgaduud, halkaasi oo ay haatan ku sugan yihiin.
Ciidamada Itoobiyaanka ah ee gaaray Degmada Cadaado ayaa waxay cabsi geliyeen Dad badan oo ku dhaqnaa Degmadaas, kuwaasi oo qaarkood ay magaalada dibadda uga baxeen markii ay maqleen in ay ku soo wajahan yihiin Ciidamada Itoobiyaanka.
Dhawaan ayay ahayd markii Deegaanka Dayeeno oo ka tirsan Degmada Cadaado uu dagaal ku dhexmaray Ciidamo deegaanka ah oo taabasan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Xoogag ka tirsan Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab, iyadoo dagaalkaasina ay ku itaal roonaadeen Xoogaggii Al-Shabaab.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia