Jawaabta Axzaabta Mucaaradka ah ee Muddo-kordhinta xilka Madaxweynenimo ee Madaxweyne Rayaale iyo Wefti ka socda EU oo booqasho ku jooga Somaliland

Jimco, 11 April 2008 (HOL): Labada Xisbi ee Mucaaridka ah ee kala ah  UCID iyo KULMIYE, ayaa sheegay in ay ka soo horjeedaan go’aanka Golaha Guurtidu muddada xilka ugu kordhiyey Madaxweyne Rayaale, oo ay ku tilmaameen mid sharci darro ah oo lagu burburinayo heshiiskii xisbiyada iyo Komishanku gaadheen. Waxayna tilmaameen in aanay u aqoonsanayn Madaxweyne Daahir Rayaale, inuu yahay Madaxweynaha Somaliland marka la gaadho 16ka bisha May 2008.

Labada Xisbi ee mucaaridka ah, warsaxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen, kadib kulan ay kaga wadatashanayeen go’aanka Golaha Guurtidu muddada ugu kordhiyey Madaxweyne Riyaale, isla markaana ay ku saxeexnaayeen labada Guddoomiye  ee labada xisbi mucaarid ee UCID iyo KULMIYE, Md. Faysal Cali Waraabe iyo Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).waxa ay ku sheegeen saddexda xisbi iyo Komishanku ay taariikhdu markii ay ahayd 09/04/2008 isku raaceen qorshe-hawleed (Time-line) ay ku cadyihin wakhtiga Komishanku ku hirgelin karo diiwaangelinta codbixiyayaasha, isla markaana doorashada ku qaban karo.

Waxayna intaas ku dareen in qorshe hawleedkaas oo dhigaya in labada doorasho ee soo socda ay kala qabsoomaan 06/10/2008 iyo 31/12/2008, isla markaana heshiiska xalay laga gaadhey ee ay isla qaateen Komishanka iyo Saddexda xisbi uu qaboojiyey walaacii shacbigu ka qabey dib u dhaca doorashooyinka, lagana soo dhoweeyey dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba, iyaga oo si gaar ah u xusay in heshiiskaas ay si diirran u soo dhoweeyeen deeqbixiyayaasha Somaliland ka caawiya doorashooyinka.

Waxayna warsaxaafadeedkooda ku sheegeen inay ummadda u caddaynayaan, oo uu u dhignaa sidan:

In “go’aan-ku-sheeggaasi” aanu ku fadhiyin wax sharciyad ah, maadaama qodobka 83 (3) ee ay u cuskadeen go’aankaas aanu waafaqsanayn duruufta maanta jirta ee nabadgelyada ah, sidaas darteedna, qodobkaa isticmaalkiisu uu yahay mid lagu gefey.

In aanay Odayaasha “go’aan-ku-sheeggaasi” gaadhey (Guurtida) awood-sharci u lahayn inay doorasho muddeeyaan, ee cidda qudha ee sharci ahaan u muddeyn kartaa doorasho ay tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka.

In sababta nabadgelyo darrada ah ee aan jirin ee ay ku saleeyeen “go’aan-ku-sheeggaasi”  uu dalka iyo dadka Somaliland ku yahay meel-ka-dhac, khatarna ku yahay himiladoodii aqoonsi-doonka ahayd.

In Odayaashaasi “go’aan-ku-sheegga” aanay u gaadhin danta ummadda, balse uga doorbideen dantooda gaarka ah.

In “go’aan-ku-sheeggaasi” laalay deeqihii iyo taakulaynihii bulshada caalamku gelinaysey geeddi-socodka dimuqraadiyadeed ee dalka.

In “go’aan-ku-sheeggaasi” uu yahay mid iska horimanaya marka la eego inay aqbaleen taariikhda doorashada hore qabsoomayso oo ay ka qaateen heshiiskii saddexda xisbi iyo Komishanku isla gaadheen, halka doorashada dambe ee ay u riixeen xiliga ay ku dhawaaqeen ay u cuskadeen nabadgelyo-darro aynaan ogeyn.”
Waxa kale oo ay labada xisbi ku caddeeyeen warsaxaafadoodkooda wadajirka ah mawqifka labada xisbi ka qaateen go’aankan golaha Guurtidu muddada ugu kordhiyey Madaxweyne Riyaale, kaas oo ah:

Inay ixtiraamayaan heshiiskii saddexda xisbi iyo Komishanku isla gaadheen, diyaarna u yihiin in la dhaqangeliyo.

Inay si adag uga soo horjeedaan “go’aan-ku-sheegga” lagu burburinayo heshiiskaas xisbiyada iyo Komishanku isla qaateen oo aanay marnaba aqoonsanayn.

In marka la gaadho 16/05/2008 aanay labada xisbi iyo shacbiga Somaliland u aqoonsanayn mudane Daahir Riyaale Kaahin Madaxweyne, maadaama muddadii loo doortay ku egtahay 15/05/2008. Waxa looga gudbayona labada xisbi wadahadal uga socdo."

Dhinaca kale, weftiga ka socda Komishanka Midowga Yurub ayaa  booqasho ku yimi dalka, waxayna kulamo la yeesheen Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Akadeemiyada Nabadda iyo Horumarinta Somaliland.

Sida ay sheegeen warar ku dhowdhow kulamadaas, weftigu waxay hay’adahaas ka xogwaraysteen arrinta doorashooyinka Somaliland iyo khilaafaadka ka dhashay muddada la qabanayo doorashada, waxaana la sheegay in Komishanku u caddeeyey weftiga Midowga Yurub inay ku taagan yihiin heshiiskii Saddexda Xisbi iyo Komishanka, mudda-kordhinta Guurtida iyo wakhtiga ay u cayimeen doorashada Madaxtooyadana aanay tixgelinayn.

Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland