War-murtiyeed laga soo saaray shirkii Kismaayo iyo madaxweyne Xasan Sheikh oo loogu baaqay inuu isugu yeero samileyda siyaasadda

Sabti, December 20, 2025 (HOL) - Shirweynaha Aayo-Katashiga oo ka socday magaalada Kismaayo ayaa laga soo saaray war-murtiyeed ay dhincyada ka qeyb galay ku muujiyeen walaac xooggan oo ku aaddan xaaladda siyaasadeed, amni, dhaqaale iyo bani’aadanimo ee dalka.

Shirweynahan, oo ay ka qeybgaleen Golaha Mustaqbalka, xildhibaano, siyaasiyiin horey xilal uga soo qabtay dalka iyo ururrada bulshada rayidka ah, ayaa ku eedeeyay Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud fashil siyaasadeed, amni iyo dhaqaale, iyagoo sheegay in la beddelay dastuurkii dalka, lana wiiqay hay’adihii dheelitirka awoodda.

War-murtiyeedka ayaa lagu sheegay in shirku diiday wax kasta oo muddo-kororsi ah, isagoo caddeeyay in muddo-xileedka Baarlamaanka uu ku egyahay 14 April 2026, kan Madaxweynahana 15 May 2026.

Sidoo kale, shirku wuxuu Madaxweynaha ugu baaqay inuu muddo bil gudaheed ah (illaa 20 January 2026) isugu yeero saamileyda siyaasadeed si loogu heshiiyo doorasho hufan, waqtigeeda ku dhacda, kana horumarsan tii 2022.

Waxay ka digeen firaaq dastuuri ah, qalalaase amni iyo halista Al-Shabaab iyo Daacish, wuxuuna sheegay in haddii baaqa wada-hadalka la iska indho tiro, Golaha Mustaqbalka uu qaadi doono tallaabooyin looga hortagayo firaaq dastuuri ah, taasoo ah inay qabtaan doorasho dhinaac ah.

War-murtiyeedka ayaa sidoo kale lagu dhaleeceeyay doorashada ka socota Gobolka Banaadir, iyadoo lagu tilmaamay mid aan heshiis ahayn, kana baxsan dastuurka iyo shuruucda dalka.

Ugu dambeyntii, dhinacyada isugu yimid shirka Kismaayo waxay farriin u direen beesha caalamka, iyagoo ka codsaday inay sii wadaan taageerada qabsoomidda doorasho la isla oggol yahay oo waqtigeeda ku dhacda.