Maraykanka oo duqayn ka fuliyay degaanka Nuur Dugle oo ay Alshabaab la wareegeen

Sabti, December 20, 2025 (HOL) - Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa  xaqiijiyay in diyaarad dagaal oo Mareykan ah ay Khamiistii duqeymo cirka ah ka fuliyeen saldhigyo ay Al-Shabaab ku leeyihiin gobolka Shabeellada Dhexe.

AFRICOM ayaa bayaan ku sheegay in duqeynta cirka lagu qaaday ay ku timid iskaashi iyo wada-shaqeyn ay la lahaayeen dowladda federaalka Soomaaliya.

“Duqeymaha cirka ah waxay ka dhaceen agagaarka deegaanka Nuur Dugle ee Soomaaliya, kaasoo qiyaastii 215 km waqooyi-bari kaga beegan Muqdisho,” ayaa lagu yiri bayaanka.

AFRICOM waxay sheegtay inay si wadajir ah ula shaqeynayaan Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, si loo wiiqo awoodda Al-Shabaab ee halis ugu keeni karta dhulka Mareykanka, ciidamada Mareykanka iyo muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan dibadda.

Taliska AFRICOM wuxuu ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo cutubyada iyo qalabka la adeegsaday, si loo ilaaliyo amniga howlgalada socda.

Inkasta oo ay socoto olole militari oo wadajir ah, oo ay ka qeyb qaadanayaan ciidamada nabad-ilaalinta Midowga Afrika, ciidamada Soomaaliya iyo taageerada cirka ee Mareykanka, haddana Al-Shabaab waxay weli haystaan awood ay ku beegsadaan Muqdisho iyo qeybo kale oo dalka ah iyagoo adeegsanaya qaraxyada is-miidaamin ah.

Alshabaab ayaa maalmo ka hor qabsaday degaanka Nuur Dugle, kaddib dagaal ay la galeen ciidamada Dowladda. Qabsashada Nuur Dugle ayaa ka dhigan in Alshabaab ay badi qabsadeen degaanada gobolka Shabeellada Dhexe.