Wasaaradda Waxbarashada oo hakisay goobaha Waxbarashada Gobolka Banaadir sababo la xiriira Doorashada Golayaasha Deegaanka

Sabti, December 20, 2025 (HOL) - Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay ogeysiis rasmi ah oo lagu wargelinayo dhammaan waalidiinta, ardayda iyo bahwadaagta waxbarashada in la hakinayo dhammaan howlaha waxbarashada ee ka socda Gobolka Banaadir.

Ogeysiiskan ayaa lagu sheegay in hakinta waxbarashada ay bilaaban doonto 21-ka Diseember ilaa 25-ka Diseembar 2025, si fursad loogu helo diyaargarowga iyo qabsoomidda doorashooyinka golayaasha deegaanka ee degmooyinka Gobolka Banaadir, kuwaas oo la qorsheeyay in ay ka dhacaan magaalada Muqdisho.

Wasaaraddu waxay caddeysay in la xiri doono dhammaan goobaha waxbarashada, oo ay ka mid yihiin dugsiyada hoose, dhexe iyo sare, macaahidda iyo jaamacadaha, maadaama qaar ka mid ah xarumahaas loo asteeyay in ay noqdaan goobaha ay doorashooyinku ka dhacayaan.

Sidoo kale, Wasaaradda Waxbarashada ayaa ugu baaqday masuuliyiinta goobaha waxbarashada ee loo asteeyay doorashooyinka in ay si buuxda ula shaqeeyaan Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha, si habsami lehna u fududeeyaan hawlaha la xiriira doorashada.

Ugu dambeyn, wasaaraddu waxay xaqiijisay in maalmaha la hakiyey waxbarashada lagu dari doono kaltirsiga sannad-dugsiyeedka 2025–2026, si aysan u saameyn jadwalka guud ee waxbarashada ardayda.