
Sabti, December 20, 2025 (HOL) - Ilo xog-ogaal ah ayaa u sheegay Al Jazeera in nidaamka fiisaha elektaroonigga ah (e-visa) ee Soomaaliya uu leeyahay cillad amni oo halis gelinaysa xogta shakhsiyeed ee dadka codsada fiisaha.
Ilo-wareedku wuxuu sheegay in arrintan ay horay ugu gudbiyeen mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya toddobaadkii hore, si ay uga digaan khatarta jirta, balse aysan wax jawaab ah ka helin.
Sida ay sheegeen, inkasta oo digniintaas la bixiyay, haddana cilladda lama sixin, arrintuna weli way taagan tahay.
Bridget Andere, oo ah falanqeeye sare oo ka tirsan hay’adda xuquuqda dijitaalka ah ee Access Now, ayaa Al Jazeera u sheegtay in jebinta xogta shakhsiyeed ay tahay khatar weyn, maadaama ay dadka u horseedi karto dhibaatooyin ay ka mid yihiin xatooyo aqoonsi, khiyaano dhaqaale, iyo in xogta loo adeegsado falal basaasnimo.
Khatartaan cusub ayaa imanaysa bil kaddib markii dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay billowday baaritaan la xiriira weerar hore oo hackers ay ku qaadeen nidaamka e-visa-da dalka.
Toddobaadkan, Al Jazeera ayaa awood u yeelatay inay ku celiso tijaabada khataraha ay sheegeen ilo-wareedyadu, waxayna si fudud u soo dejisay fiisooyin elektaroonig ah oo ay ku jireen xog xasaasi ah oo dad badan ay leeyihiin.
Xogtaas waxaa ku jiray dad u dhashay Soomaaliya, Portugal, Sweden, Mareykanka iyo Switzerland.
Al Jazeera waxay mar kale la xiriirtay dowladda Soomaaliya, iyagoo u diray su’aalo isla markaana uga digay cilladda nidaamka, balse weli wax jawaab ah lagama helin dhinaca Dowladda.
Bridget Andere ayaa sheegtay in ku degdegidda hirgelinta nidaamka e-visa iyadoo aan loo diyaarsanayn khataraha amni ay dhaawacayso kalsoonida dadweynaha, isla markaana abuureyso daldaloollo laga baaqsan karay.
Waxay sidoo kale cambaaraysay in mas’uuliyiinta Soomaaliya aysan si rasmi ah u shaacin jebsashadii weynayd ee xogta E-Visa ee bishii Nofeembar.
Waxay intaas ku dartay in sharciga ilaalinta xogta ee Soomaaliya uu waajibinayo in hay’adaha mas’uulka ka ah xogta ay wargeliyaan hay’adda ilaalinta xogta iyo sidoo kale dadka ay saameysay marka ay dhacdo khatar noocan ah, gaar ahaan marka ay khusayso dad ka kala yimid dalal kala duwan.
Al Jazeera ma shaacin faahfaahin farsamo oo ku saabsan cilladda amni, maadaama aan weli la sixin, si looga hortago in hackers ay ka faa’iideystaan.
Dhammaan xogtii xasaasiga ahayd ee la helay intii baaritaanku socdayna waa la tirtiray si loo ilaaliyo asturnaanta dadka ay quseyso sida lagu sheegay baaritaanka kanaalka Al-Jazeera.
Bishii hore, dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa ka digay jabsasho xogeed oo lagu helay macluumaadka in ka badan 35,000 oo qof oo dalbaday fiisaha Soomaaliya, Xogta la faafiyay waxaa ka mid ahaa magacyo, sawirro, taariikhaha dhalashada, cinwaanno guri, iyo xaaladaha guurka.
Kaddib dhacdadaas, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (ICA) ayaa beddeshay bogga e-visa-da, iyagoo u wareejiyay domain cusub si loo xoojiyo amniga.
Si kastaba ha ahaatee, khubaradu waxay sheegayaan in dowlado badan ay ku degdeggaan hirgelinta nidaamyada fiisaha elektaroonigga ah, taasoo inta badan keenta amni-darro, halka dadkuna ay adagtahay inay is-ilaaliyaan maadaama xogta laga rabo ay tahay mid qasab ku ah habraaca safarka.