










Jimco, December 19, 2025 (HOL) - Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, ayaa si rasmi ah u furay Madasha Maalgashiga iyo Ganacsiga Soomaaliya iyo Shiinaha, oo lagu qabtay magaalada Beijing, isla markaana ay soo qabanqaabisay Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha.
Madashan ayaa ka mid ahayd munaasabadaha lagu xusayo 65 sano oo ka soo wareegtay aasaaska xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Shiinaha, Madasha oo ka dhacday Hotel-ka Four Seasons ee Beijing, ayaa waxaa ka soo qaybgalay in ka badan 500 marti oo matalayay ku dhowaad 300 shirkadood oo caalami ah, oo ay ku jireen shirkado ka tirsan Global Fortune 500, maalgashadayaal waaweyn iyo mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda Ganacsiga ee Shiinaha.
Ka-qaybgalka ballaaran ayaa muujiyay xiisaha sii kordhaya ee hay’adaha dowladda iyo shirkadaha Shiinaha ay u qabaan fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya.
Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Cismaan Cabdi, oo madasha ka jeedisay hadal soo dhaweyn ah, ayaa sheegtay in shirkan uu caddeyn u yahay in Soomaaliya ay si kalsooni leh ugu soo laabatay madasha caalamka, isla markaana ay diyaar u tahay ganacsi, maalgelin iyo iskaashi ku dhisan ixtiraam, dan-wadaag iyo is-faham.
Khudbaddiisa furitaanka, Wasiir Jamaal Maxamed Xasan ayaa adkeeyay in xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo ganacsi ee Shiinaha ay tahay mudnaan istiraatiiji ah oo dowladda Soomaaliya ay dooratay.
Wasiirku waxa uu tilmaamay in Soomaaliya ay gashay marxalad cusub oo xasillooni, dib-u-dhis iyo koboc dhaqaale, isaga oo faahfaahiyay fursadaha ka jira kalluumaysiga, beeraha, xoolaha, tamarta la cusboonaysiin karo, macdanta, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo ganacsiga badda.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay diyaarisay hannaan sharci, siyaasadeed iyo amni oo lagu ilaalinayo danaha maalgashadayaasha, isla markaana ay hirgelinayso Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029).