Madaxweyne Axmed Madoobe "Madaxweyne Xasanow cid kaa aqbaleyso ma lahan waxaad shalay diideysay"

Jimco, December 19, 2025 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa weerarka afka ah ku qaaday madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo ka hadlayay shirka magaalada Kismaayo uga furmay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa sheegay inaan madaxweyne Xasan Sheekh laga aqbali doonin wixii uu shalay isaga diidana.

"Madaxweyne Xasanow cid kaa aqbaleyso ma lahan waxaad shalay diideysay, sidaan rabo ayaan dalka ka sameysanayaa macquul ma ahan, mana kugu fiirsaneyno in dalka ceel ku rido" ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay madaxweyne Axmed Madoobe in shirka Kismaayo uu yahay mid looga arinsanayo aayada guud ee dalka, islamarkaana laga soo saari doono go'aano wax ku ool u ah dadka Soomaaliyeed. 

"Shirkan inoo furmay waa midaan dooneyno inaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed ku badbaadino, dowladnimada ma ahan aniga ayaa iska joogaya, madaxweyne Xasan wixii aan ku soo kala dhaqaaqnay waxay aheyd aan iska joogno oo aan wada qeybsano wixii dhaqaalo ah, taasina mahan mid dal lagu dhaqi karo" ayuu yiri madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe. 

Hadalkaan kasoo yeeray Madaxweynaha Jubbaland ayaa kusoo aadaya, iyadoo dadka Soomaaliyeed iyo dowladaha daneeya ariimaha Soomaaliya ay si weyn uga dhur sugayaan go'aanada kasoo bixi doono shirkaan Shalay Kismaayo uga furmay siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladda Fedaraalka iyo madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland ee ku bahoobay magaca Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.