Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka degay magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya

Jimco, December 19, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar shaqo oo hal maalin ah ku jooga magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, waxaana maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

War kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Kulanka madaxda diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada amniga, siyaasadda, ganacsiga iyo arrimaha gobolka. 

Labada mas’uul ayaa si qoto dheer uga wada hadlay xaaladda amni ee Geeska Afrika iyo doorka wada-jirka ah ee labada dal ka qaadan karaan sugidda nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii wadidda wada-shaqeyn ku dhisan is-ixtiraam, daris-wanaag iyo ilaalinta madaxbannaanida dowlad kasta, iyaga oo carrabka ku adkeeyay in iskaashi dhab ah uu horseedi karo horumar waara iyo xasillooni siyaasadeed.

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli xubno ka mid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka ay ku shirsan yihiin magaalada Kismaayo, kuwaas oo ay kamid yihiin maamulada Jubbaland iyo Puntland, iyadoo kulamadaasi ay salka ku hayaan arrimo la xiriira siyaasadda guud ee dalka iyo jihada geeddi-socodka dowladnimada Soomaaliya.