Laba ka mid ah Isgoysyada ugu Jaamka badnaa Muqdisho oo dhagxaantii taalay laga qaaday

Jimco, December 19, 2025 (HOL) - Taliska Booliiska Soomaaliyeed ayaa Xalay dhagxaantii ka qaaday Isgoysyada muhiimka ah ee Digfeer iyo Tarbuunka oo ku yaala degmada Hodan ee magaalada Muqdisho. 

Dhagaxaanta taalay Isgoysyada Tarabuunka iyo Digfeer ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir ayaa ahaa kuwa ciriiri iyo saxmad xoogan ku haayay gaadiidka isaga kala goosha degmooyinka gobolka Banaadir.

Ciidanka Booliiska ayaa Isgoysyada ka si kiyay goobaha hubinta gaadiidka, iyagoo  ka dhigay meelo ka fog isgoysyadaas halka la qaaday dhagaxaantii taalay Isgoysyada. 

Taliyaha qeybta guud ee Booliiska gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin Macallin Mahdi ayaa sheegay in la qaaday dhagaxaanta markii hore duruufaha amniga loo dhigay Isgoysyada Tarabuunka iyo Digfeer. 

 “Yoolkeennu waa caasimadda oo amaan ah oo uusan dhagax dhex oolin, meeshii amaan noqotaba waa laga qaadi doona dhagaxa oo aad ogtihiin in dariufo jiro awgood loo dhigay wadooyinka.” ayuu yiri Taliyaha qeybta guud ee Booliiska gobolka Banaadir Macallin Mahdi.

Taliye Macallin Mahdi ayaa sheegay in qorshahaan uu qayb ka yahay dedaalada kala duwan ee Madaxda ugu sarreysa dalka ay ku go’aamiyeen in la qaado dhagaxaanta maadaama uu jiro isbadel dhinka amniga ah, islamarkaana loo baahan yahay in la fududeeyo isu socodka gaadiidka.

Wuxuu sheegay Taliyaha Booliiska gobolka Banaadir in qaybaha dhiman ee dhagxaanta taalo dhawaan la qaadi doono, isagoona shacabka ka codsaday inay xoojiyaan la shaqaynta hay’adaha amniga si nabadgalyada Muqdisho loo gaarsiiyo meel kasii sarreysa sida ay haatan tahay.