Somaliland oo wada tashi ugu yeedhay wakiilkeeda dalka Jabuuti

Cabirka Farta

Arbaco, December 31, 2025 (HOL) - Somaliland ayaa sheegtay in ay wada tashi ugu yeedhay wakiilkeeda dalka Jabuuti, Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse, kadib markii ay Jabuuti si xooggan uga hor timid aqoonsiga Somaliland.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland ayaa lagu sheegay in u yeedhista wakiilka ay qayb ka tahay dib-u-habayn lagu samaynayo diblomaasiyadda Somaliland.

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku dhawaaqaysaa in ay wada tashi Hargeysa ugu yeedhay wakiilkeedii Jamhuuriyadda Jabuuti, taas oo qayb ka ah xidhiidho diblomaasiyadeed oo socda, kuna salaysan hab-dhaqan diblomaasiyadeed oo dagsan" ayaa lagu yidhi qoraalka.

Tallaabadan ayaa daba socota kulankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee lagaga dooday qaddiyadda Somaliland, halkaas oo ay Jabuuti ka muujisay diidmo adag oo ay kaga soo horjeeddo aqoonsiga Somaliland ee ay dhawaan siisay dawladda Israa’iil.

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Khadar Xuseen Cabdi, oo ay saxaafaddu wax ka weydiisay tallaabada ay ka qaadi doonaan dalalka xafiisyada ku leh Hargeysa ee sida adag uga soo horjeestay aqoonsiga Somaliland, ayaa sheegay in ay arrintaas u mari doonaan waddo diblomaasiyadeed.

Dalalka kale ee xafiisyada ku leh Hargeysa ee aadka uga soo horjeestay aqoonsiga Somaliland waxa ka mid ah dalka Turkiga, oo ay Somaliland dhawaan ku eedaysay in uu qayb ka ahaa qorshe la doonayay in qalalaase lagaga abuuro Somaliland.

Inkasta oo Somaliland wada tashi ugu yeedhay wakiilkeedii dalka Jabuuti, haddana ilaa hadda wax tallaabo ah kama ay qaadin wakiilka Jabuuti u jooga magaalada Hargeysa.