
Arbaco, December 31, 2025 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor iyo kuwa Hay’adda Nabadsugida Qaranka ayaa wali howlgalo culus ka wada tuulooyinka hoostaga deegaanada Gandarshe iyo Dhanaane ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Ciidamada iskaashanaya oo dhawaan la wareegay deegaanadan Gendershe iyo Dhanaane ayaa cagta mariyay xubno ka tirsan maleeshiyaadka oo isku dayday inay ku dhuumaaleeystaan dhulka keymaha ah.
newsinsideHowlgalkan ayaa ahaa mid ciidamadu ku beegsadeen godad gambaadyo u ahaa kooxda oo ku dhex yaala dhulka howdka ah oo ay kooxdu ka talineysay in ka badan 15 sano.
"Ciidanka Qaranka, oo ka feejigan dhagarta khawaarijta, ayaa dul tegay godadkii khawaarijta ee deegaanka Gendershe, halkaas oo ay ka carareen ka dib weerar dhowr jiho ah oo lagu qaaday" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda.
Maalin ka hor ayay aheyd markii ciidamada is garabsanaya ay si buuxdo ula wareegeen deegaanada Gandarshe iyo Dhanaane oo muhiim u ah isku xirka wadooyinka Marka iyo Muqdisho ee gobolada Shabeellaha iyo Banaadir.
Ugu dambeyntii saraakiisha ciidanka howlgalada hoggaaminayay ayaa sheegay in howlgalada lagu naafeeyay Al-shabaab, islamarkaana lagu dilay horjoogayaal muhiim u ahaa Al-shabaab, walow aysan shaacin tirada horjoogayaasha ee lagu dilay howlgalada iyo magacyadooda.