Madaxweyne Xasan Sheekh oo daaha ka qaaday 3 Qodob oo Israa’iil ku qasabtay aqoonsiga Somaliland

Cabirka Farta

Arbaco, December 31, 2025 (HOL) -   Madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa ku eedeeyay Israa’iil in ay Somaliland u adeegsatay xoojinta saameyn ay ku yeelato Geeska Afrika iyo soo barakicinta Falastiiniyiinta si dib u dajin loogu sameeyo gudaha Somaliland.

Madaxweynaha oo wareysi siiyay Kanaalka Aljazeera aya digniin ka bixiyay in tallaabadan ay carqaladeynayso xasilloonida ayna ku soo beegantay xilli xasaasi ah oo Soomaaliya ku jirto dadaallada midnimada qaran.

newsinsideIntii uu booqashada ku joogay Turkiga, halkaas oo uu kula kulmay Madaxweynaha Recep Tayyip Erdoğan, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in Israa’iil ay raadineyso saameyn ay ku yeelato marinnada muhiimka ah ee badda, islamarkaana ay ku qancisay Somaliland inay Aqbasho qaxooti Falastiiniyiinta, Ogolaato saldhig milatari Israa’iili ah, iyo Ku biirista Heshiisyadii Abraham.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shaaca ka qaaday in Israa’iil horey joogitaan qarsoodi ah ugu lahayd gudaha Somaliland, isla markaana aqoonsiga cusub uu kaliya yahay rasmiyeynta waxa muddo dheer ka socday meelaha qarsoon, ee uusan keenin xaalad cusub.

Waxa uu xusay in Israa’iil aysan horey xiriir istiraatiiji ah ama dan gaar ah uga lahayn Geeska Afrika, isla markaana Soomaaliya ay ka naxday waxa uu ugu yeeray faragelin aan loo baahnayn oo sharci darro ah ay usoo bareertay Israa’iil.

Madaxweynaha ayaa intaa ku daray in inta badan bulshada caalamka ay cambaareysay tallaabadan, taasoo timid xilli Soomaaliya ay horumar dhab ah ka samaynaysay heshiisiinta qaran iyo xasilloonida.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in shirkado gaar loo leeyahay ay si sharci darro ah uga hawlgalaan Somaliland.