Dowladda Soomaaliya oo taageertay tallaabadii Sacuudiga uu ka qaaday Maleeshiyaad ay taagerto Imaaraadka

Cabirka Farta

Arbaco, December 31, 2025 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa bayaan rasmi ah ay soo saartay ku xaqiijisay mowqifkeeda adag ee ku aaddan taageerada buuxda ee ay la garab taagan tahay Jamhuuriyadda Yemen, gaar ahaan ilaalinta midnimadeeda, madaxbannaanideeda, amnigeeda iyo xasilloonideeda guud.

Bayaanka ayaa si cad u diiday tallaabo kasta ama faragelin kasta oo wiiqi karta midnimada Yemen ama wax u dhimaysa sharciyaddeeda dastuuriga ah iyo hay’adaha qaranka. 

Wasaaradda arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa war saxaafadeed ay soo saartay mar kale ku celisay taageerada ay u hayso dowladda sharciga ah ee Yemen, iyadoo carrabka ku adkaysay muhiimadda ay leedahay xal siyaasadeed oo nabadeed oo ay hoggaaminayaan shacabka Yemen.

Soomaaliya ayaa si gaar ah u bogaadisay doorka muhiimka ah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ka qaadanayso sugidda amniga iyo xasilloonida Yemen iyo guud ahaan gobolka, iyo dadaalladeeda siyaasadeed, diblumaasiyadeed iyo bini’aadannimo ee lagu doonayo in lagu soo afjaro colaadda Yemen lana yareeyo dhibaatada bani’aadannimo.

Sidoo kale, bayaanka ayaa lagu ammaanay doorka Isbahaysiga Taageerada Sharciyadda Yemen, iyo dadaallada uu ku ilaalinayo hay’adaha dowladda Yemen, midnimada dhulkeeda iyo horumarinta geeddi-socodka nabadda, si waafaqsan go’aannada sharciyadda caalamiga ah.

Ugu dambayn, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muujisay garab istaaggeeda buuxa ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, iyadoo caddeysay inay si adag uga soo horjeeddo hanjabaad kasta oo khatar ku ah amniga Boqortooyada, amniga marin-biyoodka caalamiga ah, ama xasilloonida gobolka, waxayna ugu baaqday beesha caalamka inay sii xoojiso dadaallada lagu gaarayo xal siyaasadeed oo waara oo Yemen dib ugu soo celinaya nabad, amni iyo doorkeeda dabiiciga ah ee Carabta iyo gobolka.