9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 24, 2024
Ku dhawaad 10 xunbood oo kooxda Al-shabaab looga dilay dagaal ka dhacay Jubbada Hoose
 

Talaado, September, 24, 2024 (HOL) - Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal galinkii hore ee maanta ka dhacay duuleedka deegaanka Janaay Cabdalla ee gobolka Jubbada Hoose, kaasoo u dhaxeeyay ciidamada Daraawiishta maamulka Jubbaland iyo kooxda Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii guutada labaad ee ciidanka Daraawiishta ee ka howlgala deegaanka Janaay Cabdalla ay weerar ku qaaden xubno ka tirsan Al-shabaab oo qorsheynaayay iney weerar kusoo qaadaan deegaankaas.

Sarkaal ka tirsan ciidanka Daraawiishta Jubbaland ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in weerarka ay ku dileen ilaa lix xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, islamarkaana tiro intaas ka badan ay ku dhaawaceen.

Deegaanka Janaay Cabdalla ayaa ka mid ah deegaanada muhiimka ah ee haatan laga difaaco magaalada Kismaayo oo maamulka Jubbaland u ah xarun ku meel gaar ah.

Si kastaba ha ahaatee kooxda Al-shabaab oo rajo weyn ka qabta iney dib ula wareegaan deegaanka Janaay Cabdalla oo mudo dheer ay ka talin jirtay, waxaana deegaankaas ay kooxdu weerar ku qaaday tiro dhowr jeer ah tan iyo markii laga saaray deegaanka Janaay Cabdalla.