9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 24, 2024
Siciid Deni: Waxaan diyaar u nahay inaan meel fagaare ah kuwada hadalno annaga iyo dowladda Federaalka
 

Talaado, September, 24, 2024 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay inay diyaar u yihiin wada hadal ay la galaan dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo xalliyo khilaafka taagan.

Madaxweyne Deni waxa uu sheegay inay u baahan yihiin in meel fagaare ah oo Soomaalidu marqaati ka tahay lagu wada hadlo, wuxuu intaas ku daray haddii ay suurto gali waayaan inuu dalku khatar ugu jiro in sida Somaliland cid walba goonideeda isku taagto.

Deni ayaa gartiisa u dhiibtay wafuudda kasoo qeyb gashay shir ku saabsan arrimaha nabadda oo xalay lagusoo gabagabeeyay magaalada Garowe, wuxuuna ka codsaday wafuudda shirkaas inay meel fagaare ku wada hadal siiyaan iyaga dowladda Federaalka.

Madaxweynaha Punland wuxuu sheegay marar badan oo qol mugdi ah lagu shiray in ay wax kasoo bixi waayeen, sidaas awgeed wuxuu sheegay inay u baahan yihiin in meel fagaare ah lagu wada hadlo.

“Puntland waxay ka noqon doontaa hormuud, waxay diyaar u tahay isku keenidda Soomaaliya inay maskax, aqoon iyo dhaqaale ku bixiso. Waxaan rabnaa inaad idinku garwadeen ka noqotaan arrintaas. Haddii aan dhinaca kale la idinka diidin innagu waan idin ogolnahay,” ayuu yiri Deni.

Puntland iyo Dowladda Federaalka ayaa muddo ka badan labo sano uu khilaafkoodu taagan. Weli wax xal ah looma helin. Dhinacba dhinac kale ayuu ku eedeynayaa inuu diidan yahay in la wada hadlo.