9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 24, 2024
Itoobiya: Hubka ay Masar kusoo daabushay Muqdisho wuxuu ku dambayn doonaa gacanta kooxaha argigixisada
 

Talaado, September, 24, 2024 (HOL) - Wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa walaac ka muujisay saanad milatari oo ay dowladda Masar siisay Soomaaliya, iyadoo sheegtay in ay ku dambayn doonto gacanta kooxaha argagixisada,

Hadalkan ayaa lagu sheegay maalin kadib markii Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Masar uu hub culus kasoo dajiyay magaalada Muqdisho.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya Taye Astke Selassie ayaa sheegay in uu ka walaacsan yahay in saadka ay bixiyaan ciidamada shisheeye ay sii xumeyn doonto ammaanka jilicsan ee Soomaaliya, isagoo intaas ku daray inuu ku danbeyn doonto gacanta argagixisada Soomaaliya.

Itoobiya oo ay kumannaan ciidamo ah kaga sugan yihiin Soomaaliya, ayay Muqdisho isku khilaafeen qorshe ay ku doonayso inay deked iyo saldhig milatari uga hesho biyaha Soomaaliya, iyadoo usii maraysa heshiis ay la gashay maamulka Somaliland.

Masar oo ay is hayaan Itoobiya ayaa bil gudaheed labo shixnad oo hub ah u soo dirtay Muqdisho, kadib markii bishii August ay si wadajir ah u saxiixeen heshiis amni.