9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 24, 2024
Howlgal lagu dilay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab oo ka dhacay gobolka Galgaduud
 

Talaado, September, 24, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal maanta ku dhexmaray deegaanka Cali Heelle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Galcad ee gobolka Galgaduud ciidanka difaaca deegaanka iyo kuwa Ururka Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidanka deegaanka ay weerar dhabagal ah ku qaadeen xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab oo halkaasi ka waday dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay ku doonayeen iney isaga gudbaan maagaalooyin ka tirsan gobolka Galgaduud.

Sarkaal u hadlay ciidanka difaaca deegaanka ayaa sheegay in weerarka dhabagalka ahaa ay kooxda Al-shabaab uga dileen laba xubnood, islamarkaana sidoo kale ay gubeen gaari Cabdibile ah oo ay wateen kooxdu.

Weerarkaan ay maanta fuliyeen ciidanka deegaanka ayaa ah mid noociisa horay loogu yaqiinay kooxda Al-shabaab oo sidaan oo kale weerarada dhabagalka ah ku beegsan jirtay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa ATMIS.

Si kastaba ha ahaate gobolka galgaduud waxaa wali ka socda sanadkii labaad oo xiriir ah howlgalada ka dhan ah kooxda Al-shabaab, waxaana xusid mudan in howlgaladaasi kooxda looga xureeyay dhul baaxad leh oo ay horay u maamuli jirtay Al-shabaab.