12/21/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 10, 2024
Jubaland oo hakisay wada shaqeyntii kala dhaxeysay Dowladda Federaalka
 

Axad, November, 10, 2024 (HOL) - Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa soo saartay war saxaafadeed ay kaga hadashay arrimaha ka dhex aloosan Jubaland iyo Dowladda Federaalka waxeyna ay si toos ah ugu dhawaaqday inay hakisay xiriirkeedi wada shaqeyneed ee kala dhaxeysay Dowladda federaalka Soomaaliya.

"Dowladda Jubaland waxay cadaynaysaa in ay hakisay xiriirkii wadashaqeeneed ee ay lalahayd Xukuumada Federaalka Soomaaliya inta ay uga hogaansamayso Dastuurka dalka, ixtiraamaysana rabitaanka shacabka Jubaland." ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.

Sida ku cad warsaxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jubaland waxa ay eedeyn qalqal galin amni ay dusha uga tuurtay Dowladda federaalka, si lamid ah is hortaag ku saabsan doorashooyinka guud ay Dowlad Goboleedka Jubaland dooneyso inay qabsato.

Waxay tani dab xoogan kusii shideeysa xiriirka aan wanaagsan ee bilihii lasoo dhaafay ka dhaxeeyay Dowladda Federaalka iyo Jubaland taa oo sii xoogeysatay markii Axmed Madoobe maalin cad uu iskaga baxay Shirkii Golaha wadatashiga Qaran.

Halkaan Hoose ka akhriso warsaxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubaland:-