11/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 10, 2024
Dowladda Federaalka oo si adag uga hortimid magacaabidda guddiga doorashada Jubbaland

Axad, November, 10, 2024 (HOL) - Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa cambaareysay go’aanka uu madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe xalay ku magacaabay guddiga doorashada ee maamulkiisa, iyadoo ku tilmaamtay mid sharci darro ah oo halis ku ah dadaallada dimuqraadiyeynta Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa loogu baaqay Axmed Madoobe, inuu u hoggaansanaado heshiisyada wada shaqeynayd ee kasoo baxay Golaha Wadatashiga Qaran (NCC) ee lagu dhisayo nidaam doorasho oo mideysan.

“Tallaabada Axmed Madoobe waxay niyad jab ku tahay madaxda Dowladda Federaalka oo u arka ficilkiisa mid ka soo horjeeda qorshaha kala guurka. Hoggaanka Soomaaliya ayaa aaminsan in tagitaanka Aaxmed Madoobe ay halis gelineyso midnimada qaranka iyo hannaanka dimoqraadiyadda," ayay tiri wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya.

Dowladda Federaalka waxay sheegtay inay weli ku adkeysaneyso in khilaafaadka Jubaland lagu xalliyo wada xaajood, iyada oo raadineysa in si xushmad leh loo wajaho dhammaan dhinacyada ay khuseyso arrimaha Jubaland.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa xalay magacaabay guddiga doorashada Jubbaland, kuwaas oo maamulidoono doorashada madaxweynaha ee maamulkiisa.