7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 28, 2024
Kusimaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo kulamo la qaatay madaxda dalka

Talaado, May, 28, 2024 (HOL) - Madaxda ugu sareyso dowladda Fedaraalka  madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa xafiisyadooda ku kala qaabilay kusimaha Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan oo maalin ka hor soo gaaray magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  Aqalka Madaxtooyada dalka ku qaabilay ku simaha cusub ee Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uu u soo magacaabay Soomaaliya James Swan.

Kulankan dhexmaray madaxweynaha Soomaaliya James Swan ayaa ahaa mid labada dhinac ay uga hadleen dardargelinta iskaashiga ka dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, gaar ahaan dhinacyada bini’aadantinimada, nabadda, iyo amniga.

"Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Danjire James Swan la wadaagay dadaallada dowladdu ay ku bixinayso dagaalka ka dhanka ah argagixisada, kobcinta dhaqaalaha, iyo horumarinta dalka, isaga oo u rajeeyay in uu si hufan u guto waajibaadkiisa cusub" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.


Dhinaca kale Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabiley Danjire James Swan, waxaana sidoo kale labada masuul ay kawada hadleen xoojinta wadashaqeynta hay’adaha Qaramada Midoobay iyo dowladda Soomaaliya.

Raysal wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyey hay’adda Qaramada Midoobay taageerada ay la garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii James Swan ayaa dhankiisa ka mahadceliyey soo dhawaynta loogu sameeyey Muqdisho, isagoo sheegay in Qaramada Midoobay diyaar u tahay in dowladda Soomaaliya ay gacan ka siiso barnaamijyada hortabinta u leh Soomaaliya.