7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 28, 2024
Firdhiye: Dowladda Federaalka waxaan ka doonaynaa aqoonsi buuxa iyo inaan ka baxno kumeel gaarnimada

Talaado, May, 28, 2024 (HOL) - Hogggaamiyaha maamulka SSC- Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Cali Firdhiye ayaa sheegay, dowladda federaalka Soomaaliya in ay ka doonayaan in maamulkooda uu ka baxo kumeel gaarnimada ayna siiyaan sharciyad buuxda, si buu yiri loogu quus gooyo maamulka Somaliland.

Hoggaamiyaha Khaatumo ayaa sheegay, jiritaanka maamulkiisa in uu muhiimad weyn u leeyahay isku haynta dalka, iyo in laga hortago sida uu sheegay damaca Somaliland ee ku aaddan kala goynta dalka.

“Dowladda federaalka ah waxaanu la galnay wada hadal, uu kasoo baxay war murtiyeed. Waxaan isla meel dhignay in masuuliyadda dhankayaga jirta aan dhameystiridoono, dowladda federaalka ahna laga doonayo in ay kasoo baxdo waajibaadkeeda dastuuriga ah,” ayuu yiri Firdhiye.

Hoggaaiyaha SSC ayaa u sheegay dowladda federaalka inay ka doonayaan inay wax ka difaacaan jiritaanka maamulkooda, si aan dalka loo kala jarin. Wuxuu sheegay in har iyo habeen ay difaac kaga jiraan koox uu sheegay inay doonayaan inay wiiqaan midnimada Soomaaliya.

Hoggaamiyaha Khaatumo ayaa hadalkaan ka sheegay, isagoo la hadlayay jaaliyadda Puntland ee dalka Kenya.