7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 28, 2024
Qaramada Midoobay oo $2 Milyan oo Dolar u qoondeysay wax ka qabashada Cudur halis badan oo ka jira Soomaaliya
 

Talaado, May, 28, 2024 (HOL) - Isku duwaha gargaarka deg dega ah ee Qaramada Midoobay Martin Griffiths ayaa shaaca ka qaaday $2 milyan oo dolarka Mareykanka ah uga qoondeeyay Sanduuqa dhexe ee wax qabadka deg dega ah (CERF), taasi oo wax looga qabanayo daacuunka ka dillaacay Soomaaliya.

Ururka Caafimaadka Aduunka ayaa laga soo xigtay in Soomaaliya laga soo sheegay in ka badan 10,000 xaaladood iyo 120 dhimasho ah toddobo gobol oo ka mid ah dalka Soomaalya tan iyo bishii Janaayo ee sanadkaan.

Dilaaca Cudurka Daacuunka ayaa lala xariiriyay saameynta ka dhalatay abaarihii dalka soo maray iyo daadadkii ka dhashay roobabkii El NiƱo dhamaadkii sanadkii lasoo dhaafay, kadib burbur soo gaaray ilaha biyaha, fayadhowrka iyo nadaafadda oo sii kordhiyay dilaacista cudurada shuban biyoodka iyo daacuunka.

Waxaa jirta warbixinta cusub oo sheegaya in meelaha ugu badan ee uu hada dhibaatada ugu badan ku haayo Cudurka Daacuunka iney yihiin deegaano  ku yaala Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee waxaana xusid mudan in wali meelaha qaar ay ka jiraan daadad iyo fatahaad kale oo sababay barakac baahsan, waxaana laga cabsi qaba iney sii siyaadiyaan kororka Cudurka halista badan ee Daacuunka.