7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 28, 2024
Bangiga Horumarinta Afrika oo Soomaaliya ugu deeqay lacag dhan $18 Milyan oo dolar
 

Talaado, May, 28, 2024 (HOL) - Bangiga Horumarinta Afrika ayaa maanta dowladda Fedaraalka Soomaaliya ugu deeqay lacag dhan $18 Milyan oo dolar, taasoo loogu talo galay wax ka qabashada dhibaatooyinka ka dhasha isbadalka Cimlada.

Munaasabadda lagu saxiixayay heshiiska Bangiga horumarinta Afrika iyo dowladda Soomaaliya ayaa ka dhacay magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya oo uu ka socdo shirka sanadlaha ee Bangiga Horumarinta Afrika.

Heshiiska Maaliyadeed ayaa waxaa si wadajir ah u saxiixay wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige iyo Madaxweyne ku xigeenka Bangiga Horumarinta Afrika Dr. Beth Dunford.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa sheegay in heshiiskaan uu muhiim u yahay dowladda, islamarkaana wax badan looga qaban doono abaaraha dalka kusoo noqnoqday.

"Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan ku guuleysanay lacag dhan $18 Milyan oo Bangiga Horumarnta Afrika inoogu deeqay, guud ahaan lacagta loogu talagalay mashruucaan oo ah $35 Milyan, Soomaaliya waxay ka heshay wax ka badan 50% Boqolkiiba, waxaana wax looga qaban doona abaaraha, daadadka, iyo hurumarnta wax soo saarka beeraleyda" ayuu yiri Wasiir Biixi Iimaan Cige.

Ugu dambeyntii magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa si habsami leh uga socda shirka sanadlaha ah ee bangiga Horumarinta Afrika oo ay ka qeyb galayaan dhamaan Hogaamiyaasha dalalka Afrika, waxaana shirkaan Soomaaliya ku matalaya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.