6/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 21, 2024
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo dil toogasho ah ku xukuntay xubin ka tirsan Al-shabaab

Talaado, May, 21, 2024 (HOL) - Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku riday xubin ka tirsan kooxda Al-shabaab oo gudaha magaalada Muqdisho ku dilay haweeney lagu magacaabi jiray Khadiijo Siyaad Maxamed.

Ninkaan Maxkamaddu ku xukuntay dilka ayaa lagu magacaaba Ibraahim Aadan Maadeey oo magaciisa afgarashada kooxda Shabaab looga dhex yaqaano lagu sheegay Cabdiraxmaan oo mushaar ahaan kooxda uga qaadan jiray lacag u dhaxeysa 70 ilaa 90 doolar.

Ciidamada amaanka ayaa gacanta kusoo dhigay ninkaan gurigeeda hortiisa ku dilay marxuumad Khadiijo Siyaad Maxamed oo ku yaala degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Ninkaan ayaa la sheegay in ka hor inta uusan dilin marxuumadda inuu weydiistay iney siiso biyo uu cabo, islamarkaana markii ay biyaha ugu dirtay gabadheeda dhowr xabadood madaxa uga dhuftay marxuumadda.

Ugu dambeyntii Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa ku xukuntay dil toogasho ah Ibraahim Aadan Maadeey, kaasoo ah qisaasta marxuumad Khadiijo Siyaad Maxamed, sida uu warbaahinta u sheegay guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute.